Murugada Dadka Dhibta Badan!

0
179

Markii ay lamaanuhu degeen guriga cusub, waxa uu ugu muuqday deegaan ka duwan ka ay ka soo guureen.  Maalintii ugu horaysayba,  gabadha oo indho indhaynaysa jaarka iyo muuqaladooda ayaa ninkeeda ku tidhi: “ Reerkan dharka ay maydheen ee la wadhay weli wada wada uskag , tolow maxay u nadiifin waayeen, miyaanay maydhista aqoon”?. Wakhti kasta sidaasi ayay gabadhu muraayada ku began marka ay ka eegtaba ay aad ula yaabanayd marayaha uskaga ee ay wadheen.

Subaxii danbe ayay eegtay waxaana ay aragtay iyagoo dharkii nadiif ah markaasi ayay ninkeeda ku tidhi: “ maanta ayay barteen sida wax loo maydho “.

Subaxaasi ninkeeda oo arinka aad u fahansaa ayaa goor hore kacay oo nadiifiyay daaqadii muraayada ahayd ee ay ka eegi jirtay. Waxaana sababtu ahayd daaqada muraayadda ah ayaa lahayd wasakh iyo uskaga lahayd, taasi ayay mar kasta u qaadan jirtay inay dharkooda tahay.

Ninkeeda ayaa u sheegay inay arintu ahayd uskaga daaqadda ee aanay ahayn dharka. Wakhtiyo badan ayaynu khalad aynu inagu leenahay dadka kale ku riixnaa oo ku eedaynaa. Ogowna qofka dadka daba gala ee dhibta badani murugo kama baxo.

Leave a Reply