Guddoomiyaha Maxkamadda sarre oo Dhaariyay xildhibaan Buuxiyay jago ka Bannaanatay Golaha Guurtida Somaliland

0
273

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida cadaaladda JSL, oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay Golaha Guurtida.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa shalay oo ay taariikhdu tahay 12/02/2023, dhaariyay Khaalid Farxaan Ciise Ubaxle, oo laga bilaabo manta (shalay) ka mid noqonaya mudanayaasha Golaha Guurtida JSL.

Xubinta la dhaariyay ayaa buuxiyay, jago uu banneeyay Alle ha u naxariistee marxuum Farxaan Ciise Ubaxle, taasi oo Golaha Guurtidu ay Maxkamadda Sare u soo gudbiyeen, codsi ay ku dalbanayaan in xilkaasi loo dhaariyo, mudane Khaalid Farxaan Ciise, si uu u buuxiyo jagada banaanaatay.

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu Qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo dhaariyay.

 

Leave a Reply