Wasaaradda Deegaanka JSL Oo Qabatay Kulanka La Dagaalanka Ka Ganacsiga Duurjoogta iyo Ilaalinta Khayraadka Dabiiciga

0
189

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi ayaa magaaladda Hargaysa ka furay kulan la xidhiidha la Dagaalanka Sharcidarada ah ee duur joogta Iyo ilaalinta Kheyraadka Dabiiciga ah.

Kulankaasi oo muddo laba maalmood ah socon doona ayaa la xidhiidha la Dagaalanka Sharcidarada ah ee Tuurjoogta Iyo ilaalinta Kheyraadka Dabiiciga ah.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay qaar ka mida haayadaha ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo ilaalinta duur joogta, oo ay ka mid tahay CCF, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo furitaanka shirkaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in shirkani lagu dejin doono qorshaha lagu maamulayo kharyaadka dhulka.

Wasiirku waxay tilmaantay in dhulkeenu uu yahay dhul dihin, oo Badd, iyo buur, iyo bannaan ba isugu jira, isla markaana shirkan lagu dejin doono sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadka deegaanka.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi, “Dhulkeenu waa dhul dihin, oo Badd, iyo buur, iyo bannaan ba waynu leenahay. Markaa wax waliba sida ay ku haboon yihiin ayaa siyaasad laga dejin doonaa. Qorshaha isticmaalka dhulku na wuu ku jiraa, iyo in la sameeyo qorshaha is-dhex-galka iyo wada noolaanshiyaha dadka, deegaanka, iyo ugaadheenna. Saddexdaasina sida ay iskula jaan-qaadi lahaayeen ayaa la dejin doonaa” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Geesta kale Maxamed Cabdillaahi Ducaale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka Cimmilada Somaliland oo hadal ka jeediyay furitaanka kulankaasi ayaa ku booriyay ka qayb galeyaasha in ay si weyn iskugu tacalujiyaan.

Waxaanu yidhi “Wasaaradu waxay u xil saaran tahay ilaalinta dhamaaanba khayraadka dabiiciga ah ee dalka. Wasaaradu waxay heshiis kula jirtaa haayadda CCF, heshiiskaasi oo ah sidii loo ilaalin lahaa ugaadha ku nool Somaliland. Gaar ahaana Harimacadka.

Wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda CCF waxay ka wada shaqaynayeen sanadihii ina dhaafay sidii looga hor tegi lahaa ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta”.

Sidoo kale agaasimaha ayaa sharaxay u jeedadda shirkan shalay u furmay iyo waxyaabaha lagaga hadli doono. “Shirkan aan maanta (shalay) isugu nimid, waxa uu wadadda u furayaa inagoo ka duulayna, in waxyaabaha ugu muhiimsan ee ugaadha wax lagaga qaban karaa, ay tahay marka iskaashi laga sameeyo, gaar ahaana meelaha ay bulshadu ku nooshay” ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.

 

 

 

 

 

Leave a Reply