Soomaaliya oo Qirtay in Ciidamadeedu ka dagaalamayaan gudaha Somaliland Iyo Jawaab xukuumadu ka bixisay

0
421

Hargeysa (Dawan)- Dalka Soomaaliya ayaa qirtay in magaalada Laascaanod ay ka dagaalamayaan askar ka tirsan ciidamadooda, inkastoo ay sabab aan macquul ahayn ka bixisay joogitaankooda.

Xukuumada Soomaaliya ayaa la sheegay inay Beesha Caalamka u caddeysay in askar ciidamadooda ka tirsanaa ka dagaalamayaan magaalada Laascaanood, laakiin yihiin ciidamo baxsad ah oo fasax la’aan ku tegay.

Xukuumada Somaliland ayaa hore u sheegtay in askar lagu soo tababaray dalalka Turkiga & Eritrea oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya qeyb ka yihiin dagaalka kooxda argagxisada Al Shabaab iyo kooxaha kale qeyb ka yihiin dagaalka ka socda Laascaanod.

Wasiirka Gaashaandhiga Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) ayaa sheegay inay xukuumada Somaliland la socoto dedaalada Beesha Caalamka ku bixisay sidii loo tababari lahaa ciidamo suga amniga soomaaliya

Md. Cabdiqani oo fariin ku baahiyey bartiisa Twitter ayaa sheegay inaan Jamhuuriyada Somaliland marnaba aqbali karin in Ciidamadii Soomaaliya loo tababaray loo adeegsado inay khalkhalgeliyaan Somaliland.

Waxuu sheegay inaanay marnaba qaadan Karin jawaabta dawlada Soomaaliya u sheegtay Beesha Caalamka inay yihiin ciidamo amar la’aan ku tegay oo baxsad ah.

Xukuumada Somaliland ayaa hore Caalamka ugu wargelisay in dagaalka ka socda magaalada Laascaanod u dhexeeyo Ciidamada Qaranka iyo kooxo argagixisada Al Shabaab oo garabsanaya kooxo deegaanka ah iyo ciidamo ka tisan soomaaliya oo lagu soo tababaray dalalka Turkiga & Eritrea.

 

 

Leave a Reply