Ciidankii Guutooyinkii Nafad Ahaa!

0
224

Maxamad Cali Baasha wuxu uu ahaa Xaakimkii Masar ee cahdigii Cusmaaniiyiinta. Waa xaakinkii asaasay maamulkii Calawiyiinta. Waxana uu Xaakimkii Masar 1805 -1848. Waxaana la sheegay inuu ahaa ninka sameeyay Masaarida cusub. Wakhtigiisa waxa bilaabmay dagaalo gudaha iyo kuwa dawladihii Yurub ay ku so qaadayeen.

Waxa uu dalkiisa ka sameeyay dhisme ciiidan oo xooggan, beeraha iyo ganacsiga oo si weyn uu u horumariyay. Wakhtigaasi oo dadku aanay jeclayn ciidanka madaama dagaaladu joogto ahaayeen, waxaana dadka qaarkood bilaabeen in indhaha mid ka mid ah  iska ridaan si aan loogu darin ciidanka, madaama shuruudaha qofka ciidanka noqonaya ay ka mid ahayd in aanu noqon naafo sida qof cawaran ama lugaha naafo ka ah.

Laakiin sanadkii 1840 ayuu xaakimka Masar Maxamed Cali ku baraarugay in sirta ay dadku isha cawaran u leeyihiin ay tahay in aan lagu darin ciidanka, wakhtigaasi ayuu u curiyay in la sameeyo laba Guuto oo ciidanka Masar ah oo ah gaatooyinka cawaran, taasi oo keenatay in dadkii cawara ay ka qayb qaataan ciidanka. Waxaana arinkaasi socday muddo 50 sanadooda in dadka cawaran lagu daro guutyinkaasi cawaran.

Leave a Reply