Wasaarada Xanaanada Xoolaha oo Goballada Dalka u Kala Dirtay Tiimamka Talaalka Xoolaha

0
182

Hargeysa( Dawan) Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ayaa shalay Gobalada dalka u kala dirtay tiimam talaalka Xoolaha ka soo fulin doona.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed ayaa waxa uu sheegay in saddexdii biloodba mar ay u diraan Gobalada dalka tiimam Xoolaha ka soo talaala xanuunada.Waxaana uu yidhi”Saddexdii biloodba mar ayaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga tiimam u dirtaa Gobalada dalka,oo si guud usoo mara Gobalada dalka oo dhan si loo cidhib tiro wixii cudura ee jira.cuduradii jiilaalka sida sambabka Caalka ayaa dawaynta ugu muhiimsan ee la samayn doonaa tahay 300 oo dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal iskugu jira ayaa hawshaa ka hawlgali doona,waxaana Gobalada u kala bixi doona 26 tiim waxaana ay ka hawl galidoonaan Gobalada iyo Degmooyinka dalka”.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga

Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa waxa usoo jeediyay bulshada Xoolo dhaqatada in ay u djyaargaroobaan kooxaha Xoolaha ka dawayn doona xanuunada.Waxaana uu yidhi”Maanta shalay waxa aanu diraynaa dhamaan Gobalada dalka tiimam ka kooban 26 kooxood oo iskugu jira 130 dhakhtar, waxaanay soo mari doonaan Gobalada dalka oo dhan oo soo dawayn doona xanuunada Xoolaha haya. waxaanay hawlgali doonaan muddo toban cisho waaxaana aan u sheegayn bulshada Xoolo dhaqatada ee reer Somaliland in ay u diyaar garoobaan,”.

 

 

Leave a Reply