Badhasaabka Gabiley oo Kormeer Kedis ah Ku Tegay Wakaaladda Biyaha Gabiley

0
220

Gabiley (Dawan): Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa shalay kormeer kedis ah ku tegay xarunta wakaaladda biyaha magaaladda Gabiley.

Waxaana badhasaabka gobolka markii uu gaadhay xarunta wakaaladda biyaha waxaa halkaa ku soo dhaweeyay maareeyaha wakaaladda biyaha Gabiley, masuuliyiinta, iyo shaqaalaha.

C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa kormeerkiisa kediska ahaa waxa uu mid mid u dul is-taagay qaybaha kala duwan waakaladda biyaha Gabiley, iyo sidoo kale xafiisyadda ay ku shaqeeyaan.

Kormeerkaasi kadib, ayaa badhasaabka Gabiley, C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa uu ku booriyay masuuliyiinta wakaaladda biyaha in ay shaqadda laban-laabaan.

Isagoona farray in ay habeen, iyo maalin ba shaqeeyaan, si xiligan Jiilaalka ah ay biyo ku filan u helaan dadka ku nool degmadda Gabiley, iyo meelaha ka baxsan ba.

Waxa kaloo uu badhasaabku sheegay maadaama oo wakhtiga lagu jiraa Jiilaal yahay in ay lagama-maar-maan tahay in la kordhiyo biyo soo saarka, si dadka iyo Duunyada ba looga waraabiyo meelaha ka baxsan magaallada Gabiley, sida Kalabaydh, iyo deegaamadda kale.

C/qani Jiidhe, oo faah-faahin ka bixinayay u jeedadda kormeerkiisa, waxa uu yidhi “U jeedaddu waa laba qaybood, oo midkood ay tahay xafiiska iyo shaqadiisa, oo hal-bawle u ah in dadka loogu shaqeeyo, meel munaasib ku ah shaqadda. Ta kalena waa ta ugu muhiimsan oo ah biyuhu siday dadka u gaadhaan”.

“Had iyo jeer cabashooyin ayaa jira, oo cilado aan dhamaan ayay wakaaladaha biyuhu leeyihiin, waxaana keenaya baahidda biyaha oo ah waxa aynu ku nool nahay noolaha oo dhan, dad iyo duunyaba. Maadaama oo wakhtigan aan ku jirnaa uu yahay, xili jiilaal ah. Iyadoo na ay booqashadaydu la xidhiidho in la la socdo biyaha helitaankoodu sida uu yahay” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

 

 

 

Leave a Reply