Mashruuc lagu Horumarinayo Beeraha Deegaanka, Biyaha iyo Xoolaha oo laga Daahfuray Hargeysa

0
153

Hargeysa (Dawan) Mashruuca Barwaaqo uu maalgelinayo Baanka Adduunku ayaa looga gol leeyahay in uu wax weyn ka taro horumarinta dhinacyada biyaha, beeraha, degaanka, xoolaaha iyo ka faa’idaysiga khayraadka kale ee dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Axmed Yaasin Muxumed Xasan, ayaa ka hadlay faa’idada mashruucan iyo wasaaraddaha kala duwan ee doorka ku yeelan doona, waxa uu sheegay in wasaaradda biyuhu wixii farsamo la xidhiidha ee mashruuca ay qaban doonto, sidookale wasaaradda degaankuna iyaduna in ay ka soo galayso isbeddelka cimillada iyo ilaalinta kaymaha, halka beeruhu ka soo soogalayso horumarintii adeega beeraha iyo ugu danbayn halka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiguna ay ka soo galayso, daryeelka xoolaha iyo kalluumeysiga.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Dr. Axmed Aadan Buuxane ayaa ka hadlay qadarta lacageed.

Waxaanu yidhi. “Mashruucani markii hore 14 malyuun oo dollar ayuu ahaa, waxa la inoo ogolaaday in aynu maamulo laba malyuun oo kaliya, maadama wakhtiga aynu haysana aad u yar yahay, kadib markii aanu wada hadalay Baanka Adduunka, hadda waxa la inoo soo ogolaaday 19 Malyuun, kaas oo ku shaqayn doono mashruucani shanta sano ee socda, haddii sida uu yahay aynu uga faa’idaysano waxa aynu ka soo saarikarna mashruuc raad lataaban karo ku reeba bulshadeena, markaynu isku darno mashruuceeni waxa ka hadhay Biyoole iyo kan cusub oo Barwaaqo ah”

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in mashruucani ka soo dhammaaday xagga Baanka Adduunka, isla markaana loo baahan yahay in la iska xilsaaro marka la fulinayo sidii uu mid guulaysta u noqonlahaa.

Waxaanu yidhi.“Mashruucan Barwaaqo ee aynu daahfurayno jiilkiisa dhexe waa Biyaha, iyo sidii mashruuca looga faa’idaynlaha inta ku xeeran beeraley iyo xoolaley, mashruuci xagga baanka adduunka wuu ka soo dhammaaday innaga ayuu miiskeena saran yahay, in lagu guulaysto iyo in aan lagu guulaysan inaga ayuu innagu xidhan yahay, waanan ku kalsoonahay in aan ku guulaysan doono haddii ILLAAHEY yidhaahdo”

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed oo isna goobtaasi hadal kooban jeediyay waxa uu yidhi.“Waa in mashruucan sida uu yahay aynu uga faa’idaysana, intaa kadibna aynu u dhacna qasnada weyn ee Baanka Adduunka, sifiican ayay usocota”

 

Leave a Reply