Wasiirka Deegaanka JSL Oo Wareegto Ku Soo Saartay Hagaha Qiimaynta Raad-reebka Deegaanka iyo Bulshadda

0
109

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland ayaa soo saartay wareegto ay ku dhaqan-galinayso Hagaha Qiimaynta Raad-reebka Deegaanka iyo Bulshadda ee dhanka mashaariicda horumarinta deegaanka.

Wareegtadaasi oo ay ku saxeexnayd wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, lagu na socod siiyay wasaarradaha, iyo haayadaha dawladda, haayadaha caalamiga ah, iyo kuwa maxaliga ah, iyo shirkadaha madaxa banaan.

Waxaana wareegtadaasi ogaysiin lagu siiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaan, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland, iyo sidoo kale madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kaloo wareegtadaasi lagu sheegay in wasaaradu ay samaysay oo ansixisay hagaha qiimaynta raad-reebka deegaanka, iyo bulshadda, kaasoo loogu tallo galay in lagu xakameeyo raadaynta taban, ee mashaariicdu ku yeelan karto deegaanka, iyo bulshadda.

Wareegtadaasina waxay u dhignayd sidan: “Mudaneyaal sida aad wada og tihiin waxaanu samaynay, oo ansixinay hagaha qiimaynta raad-reebka deegaanka, iyo bulshadda. Kaasoo aanu ugu tallo galnay in lagu xakameeyo raadaynta taban, ee mashaariicdu ku yeelan karto deegaanka, iyo bulshadda.

Sidaas darteed waxaanu idinku war-gelinaynaa in aad ku dhaqantaan qodobadan hoos ku qoran:

Sida ku cad dastuurka qaranka jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 18-aad, iyo xeerka Maaraunta deegaanka Somaliland xeer lanbar 79/2018-ka. Qodobkiisa 10-naad, faqradiisa 1-aad, iyo 2-aad, waxay dhigayaan, in qof kastaa xaq u leeyahay inuu hello deegaan Nadiif ah, oo caafimaad qaba, iyo in mashruuc kasta lagu sameeyo, qiimaynta raad-reebka deegaanka, iyo bulshadda (Environmental and social Impact Assessment).

2: Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland waxay soo saartay Hagaha qiimaynta raad-reebka deegaanka, iyo bulshadda Environmental and social Impact Assessment Guideline, oo ah hab-raac loogu tallo galay fulinta mashaariicda horumarineed, si waafaqsan xeerka maaraynta deegaanka Somaliland Xeer LR. 79/2018.

3: Haguhu, waxa uu saadaalinayaa, oo uu qiimaynayaa faa’iidadda mashruuca, iyo waxyeeladda deegaanka, iyo bulshadda soo gaadhi karta.

4: Fuliyeyaasha dawladda, iyo haayadaha kala duwan ee mashaariicda horumarineed waa in ay raacaan hagaha qiimaynta raad-reebka, deegaanka, iyo bulshadda.

5: In mashruuc kastoo horumarineed lagu sameeyo qiimaynta raad-reebka deegaanka, iyo bulshadda.

6: Waxaa lagam-maar-maan ah in la raaco gaha qiimaynta raad-reebka deegaanka, iyo bulshadda, sharci ahaan, iyo farsamo ahaanba, si loo yareeyo dhibaatadda kai man karta mashruucyadda horumarineed.

7: Ugu danbay, qiimaynta mashaariicda waa in la sameeyaa, ka hor inta aan la bilaabin mashaariicda horumarineed. Sidaasi daraadeed, dhamaan ba waxaa la farayaa, haayadaha aanu soo sheegnay in ay racaan, oo ay fuliyaan hagaha qiimaynta raad-reebka, deegaanka, iyo bulshadda, sida loogu tallo galay”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply