Mareykanka oo soo bandhigay sawirrada Buufinkii basaaska ahaa ee Shiinaha

0
360

Ciidamada badda ee Maraykanka ayaa soo bandhigay sawirrada buufin looga shakisan yahay inay leeyihiin Shiinaha oo cirka lagu toogtay maalintii Sabtida. Taliska ciidamada Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ayaa boggooda Facebook soo dhigay sawirro dhowr ah oo muujinaya burburka weyn buufinka oo doon lagu soo raray.

Wararka ayaa sheegaya in badmaaxiinta soo saaray burburka Axaddii ay qayb ka ahaayeen kooxda khaaska ah ee walxaha qarxa ee Ciidanka Badda. Qalabka laga helay buufinka ayaa hadda la baadhi doonaa si loo eego inuu yahay qalab wax lagu basaaso iyo in kale.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ku tilmaamay buufinka in uu dhererkiisu dhan yahay 60 mitir, iyada oo qeybta culeyska la saaray ay la mid tahay cabbirka diyaaradaha culeyskeedu yahay boqollaal – ama laga yaabo in kumanaan uu gaadhayo.

Shiinaha ayaa marar badan ku adkaystay in buufintan ay hawada Mareykanka u gashay qaab aan ula kac ahayn. Talaadadii, saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in Pentagon-ka uu doonayey inuu diyaariyo xidhiidh taleefoon oo dhex maray Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin iyo dhiggiisa Shiinaha ka dib markii buufinta la soo riday, balse waxaa diiday arrintaas dowladda Shiinaha.

“xidhiidhka u dhexeeya ciidamadeenna ayaa si gaar ah muhiim u ah waqtiyadan oo kale,” xoghayaha warfaafinta ee difaaca Janaraal Patrick Ryder ayaa sidaas ku yidhi bayaan la soo saaray. “Nasiib darro, PRC way diiday codsigeena.”

Helitaanka buufinta ayaa kiciyay xiisad diblomaasiyadeed, iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu isla markiiba joojiyay safar uu ku tagi lahaa Shiinaha  oo ah kii ugu horreeyay ee heerkiisu sarreeyo oo Mareykanka iyo Shiinaha ay ku kulmaan muddo sanado ah .

Buufinta ayaa laga soo saaray xeebta Myrtle Beach ee South Carolina, maalin kadib markii ay soo riday diyaarad dagaal. Ciidamada badda ayaa sheegay in burburku uu ku fiday meel toddobo mayl u jirta badweynta Atlaantigga, waxaana aaggaas loo diray labo markab oo kuwa dagaalka ah oo uu ku jiro wiish culus oo lagu soo qaadayo. Si kastaba ha ahaatee, sawiradu waxay daaha ka qaadayaan xadhkaha buufinta in la awoodo in gacanta lagu jiido.

Milateriga Maraykanka ayaa sidoo kale goobta dhigay gawaadhi aan cidna wadin oo biyaha hoostooda mara, taasoo qeyb ka ah baadhitaanka.

Khubaradu waxa ay sheegeen in burburka buufinku uu Maraykanka siin karo aragti qiimo leh oo ku saabsan tignoolajiyada iyo farsamooyinka ilaalinta hawada Shiinaha, taas oo u oggolaanaysa inay si fiican u fahmaan waxa uu buufinku awoodo iyo sida uu xogta u gudbiyo.

Dadaalka lagu soo celinayo qalabka buufinta, waxaa sii adkeeyay baahida loo qabo in la hubiyo in shaqaalaha Mareykanka laga ilaaliyo walxaha khatarta ah, sida walxaha qarxa ama qaybaha baytariyada.

Saraakiisha difaaca Mareykanka ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inay dabagal ku hayeen shaygan yaabka leh maalintii Khamiista, waxayna sugeen ilaa ay si nabdoon u dulmarayaan biyaha ka hor inta aanay toogan.

Muuqaallo ay bahaisay warbaahinta Maraykanka ayaa muujinayay buufinta oo ku dhacaysa badda kadib markii uu qarax yar dhacay.

Jimcihii, waaxda Pentagon-ku waxa ay sheegtay in buufin labaad oo Shiinees ah lagu arkay- Latin America kaasi oo la sheegay in lagu arkay Costa Rica iyo Venezuela.

Ciidamada Cirka ee Kolombiya ayaa sheegay in 3-dii February hawada dalkaasi laga helay shay la aqoonsaday oo la rumeysan yahay inuu yahay buufin.

 

 

 

 

Leave a Reply