Wasiir Koore oo Farriin u Diray Bulshada JSL

0
230

Kala duwanaashiyaha fikirka siyaasiintu maaha inuu kala fogeeyo bulshada”

Hargeysa( Dawan) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Salebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa bulshada kula taliyey in aanay ku kala arragti duwanaanshiyaha afkaarta Siyaasadda iyo siyaasiyiintu saameyn taban ku yeellan wada noolaanshiyaha, wada dhalashada iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya.

Wasiirka oo farriin qoraal ah ku baahiyey bogga uu ku leeyahay baraha bulshada, ayaa si gaar ah dardaaran ugu jeediyey taageerayaashiisa oo uu ku booriyey in aanay nacayb iyo xumaan u muujinin, kana ficil qaadan khaladdaadka ay samaynayaan kuwa sida anshaxa ka baxsan u caayaya.

Md. Saleeban Yuusuf Cali Koore, waxa uu ku adkeeyey bulshada isku-gobolka ka soo jeeda ee kala taageersan shakhsiyaadka siyaasiyiinta ee uu kamid yahay, in aanay ku kala foggaan mowaaqiiftooda.

Waxaanu yidhi “Kala duwanaashiyaha fikirka siyaasiintu marnaba mihiim maaha inuu kala fogeeyo bulshada taasi oo sababta nacayb iyo jeclaysi labada. Bulshada siyaaasadayda taageersan waxaan ku boorinayaa mar kasta inay ilaaliyaan kala duwanaashiyaha oo aan la maagin siyaasiyiinta ama masuuliyiinta aanu isku deegaanka nahay se kala siyaasad ama xisbi duwanahay. Wanaagu wuxuu ku jiraa inaanay siyaasi ammaantii noqon siyaasi caydii, wanaagga,walaaltinimada iyo wax isku ahaanshiyahana laga tagin”

Isagoo hadalka sii waxa uu intaa ku daray “Markasta taageerayaashayda waan la socdaa fikirkooda iyo garab istaagooda wax kasta oo wanaagsanna waan ku taageerayaa”ayuu yidhi.

Dad oo taageersan Wasiirka iyo kuwo ku dhaliilsan waddaniyada iyo mowqifkiisa siyaasaddeed ayaa inta badan baraha bulshada dooddo ku dhex maraan, sidaas awgeed ayuu isagoo ka hortegaya inay isku dhacyo ka dhashaan dooddahaasi uu farriintan ugu diray.

Leave a Reply