Dr. Edna Adan oo Baarlamaanka Midowga Yurub Warbixin ka Jeedisay Ku Saabsan Nabadgelyada iyo Dimuqraadiyada JSL

0
478

Hitler looma ogolaadeen inuu metelo Yuhuuda nasiib-darro Soomaaliya oo burbur iyo xasuuq u geysatay ayaa metesha Somaliland”

 Brussels (Dawan)- Dr Edna Adan Ismaaciil ayaa sheegtay inaanay macquul ahayn in Hitler uu metelo dadkii uu xasuuqay, sidoo kale Soomaaliya oo xasuuq u geysatay ay metesho Somaliland, waxaanay uugu baaqday Soomaaliya wada hadal xal waara labada wadan ku gaadhaan.

Marwo Edna oo hadal ka jeedisay dood Baarlamaanka Yurub Arbacadii 08 March 2023 ka yeeshay marxalada Qaarada Afrika ee qarnigan 21aad ee xuduudahii hore iyo kuwa cusub, hanaanka Federaalka, iyo Madaxbanaanida ayey hadalkeeda ku bilowday sharaxaad xildhibaanadii fadhiga ay ka siisay kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay tidhi,

“Waxaan doonayaa inaan sharaxaad yar idinka siiyo dalkayga Somaliland oo inta badan lagu khaldo dal kale oo magaciisu yahay soomaaliya. Dalkayga oo hore u ahaan jiray maxmiyadii Boqortooyada Ingiriiska waxa la aasaasay sannadkii 1884, waxaanay xornimadeeda si rasmi ah uuga qaadatay Boqortooyada Ingiriiska sannadkii 26 June 1960-kii”.

Dr Edna ayaa sheegtay in markii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska 26 June 1960-kii ahayd dalkii 12aad qaarada Africa ee xornimo qaatay, waxaana jiray 34 wadan oo imika fadhiya Midowga Africa oo wakhtiga ku hoos jiray gumaysi oon xornimo qaadan, kana mid ahayd Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray.

“Somaliland iyo Soomaaliya markii ay heshiis ikhtiyaari ah ku midoobeen 1 July 1960 waxay ahaayeen laba wadan oo madaxbanaan oo kala gaar ah, ma ahayn heshiis mid ta kale qabsatay.”

Marwo Edna oo ka hadlaysay sababha Somaliland xornimadeeda dib ula soo noqotay ayaa sheegtay in Midnimadii shaqeyn weyday, markii bulshadu dareenkooda muujisayna xasuuq baahsan loo geystay, ilaa imikana 100 xabaalo wadareed khubarada dembi-baadhista ee Qaramada Midoobay ka xaqiijiyeen gudaha Somaliland, balse hay’adaha xuquuqal insaanka caalamku aanay waxba ka qaban weli.

Dr Edna ayaa sheegtay in nabada iyo xasiloonida Somaliland ka jirta tahay mid xukuumadeeda iyo shacabkeedu abuurteen caawimo dibadeed la’aan, halka Soomaaliya oo caalamku aqoonsan yahay ku tiisan tahay caawimo iyo ilaalo dibadeed sugitaanka amaankooda.

Mar ay ka hadlaysay xuduudaha caalamiga ayey Dr Edna sheegtay in Somaliland xurmayso xuduudaha sidii ay ahaayeen una dhaxashay xornimadeedii

“Uma taagnin inaan ka go’no, ama leexino xuduudahii wadamada Afrika ay gumaystaha ka dhaxleen”

Dr Edna oo ka hadlaysay dagaalka Laascaanood ayaa sheegtay in mudooyinkii u dambeeyey kooxo isa soo bahaystay oo Soomaaliya iyo argagxisada Al Shabaab qeyb ka yihiin xasilooni daro ka abuureen Somaliland

Waxay sheegya in somaliland qeyb ka noqono caalamka raadinaya xalal laga gaadho caqabadaha Afrika.

“Somaliland waa u diyaar, isla markaana doonaysaa inay masuuliyada qaado.”

Dr Edna ayaa sheegtay in Somaliland loo ciqaabay dhibaato dal kale sameeyeen, isla markaana nasiibdaro ku tahay in dalkii burburka u geystay inuu metelo loo dhigo, caalamka kama jirto meel kuwii dembiga sameeyey, uu dhibanahii metelo,

“Hitler looma ogolaadeen inuu metelo dadkii uu warshadaha ku xasuuqay ee yuhuuda, balse nasiibdaro Soomaaliya oo burbur iyo xasuuq u geysatay Somaliland ayaa metesha imika.”

Dr Edna ayaa ugu baaqday xildhibaanada Baarlamaanka Yurub in Somaliland xuquuqdeeda hesho, maadaama aanu midow dambe macquul ahayn dalka Soomaaliya ee burbursan, kala qoqoban, ee argaxisadu joogto.

“Waxaan ugu baaqaynaa dalka aanu jaarka nahay ee Soomaaliya gacan saaxiibtinimo iyo wada hadal aan arrimaha noo dhexeeya xal waara uuga gaadhno, si bulshadu nabad uugu noolaato xuduudka labadiisa dhinac.”

 

 

 

Leave a Reply