- Qofka caqliga badani aamuskiisu wuu badan yahay.
- Nasashada hal maalin toddobaadkii sida Aqoonyahandu sheegeen waxay faa’iido si isku mid ah ugu leedahay wadanaha iyo maskaxdaba.
- Waxaan ka bartay aamusnaanta kan hadalka badan, dulqaadka ka aan saamaxa lahayn, naxriista ka qalafsan, haddana wax yaab leh macalinmiinta aan waxba ku bedelin dhaqankooda.
- Wakhtigan khubarada ayaa ku taliyay in hadalka badan iyo dooda ay ka wanaagsan tahay in nasasho aamus badan la qaato, taasi oo ah mid ruuxda iyo caqligaba faa’iidada u leh.
Nin caqli badan ayaa la weydiiyay su’aasha ah “ Miyuu jiraa qof bakhaylka ka xumi?” Waxaana uu ku jawaabay haa, deeqsiga ka xun marka uu ka sheekeeyo wixii uu bixiyay