Hargeysa u hiili oo halkan (Suuqa Laynka Booliiska) wax ka iibso- Maayirka Caasimada

0
227

Hargeysa (Dawan)- Maayirka Caasimada Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge ayaa uugu baaqya bulshada caasimada inay kala shaqeeyaan qurxinta bilicda caasimada Hargeysa, isla markaana baahidooda adeeg ka gutaan suuqyada rasmiga ah sida Laynka Booliiska.

Maayir Cabdikariim oo bulshada fariin u jeedinayey ayaa ugu baaqay in bulshaadu kala shaqeyso bilicda caasimada Hargeysa, waxaanu yidhi “Hargeysa u hiili oo halkan (suuqa laynka booliiska) wax ka iibso”

Maayirka Caasimada iyo masuuliyiin kale oo shalay xadhiga ka jaray suuq laga sameeyey xaafada laynka booliiska ee badhtamaha Hargeysa ayaa ugu baaqay bulshada inay u hiiliyaan ganacsatada qaatay amarka dawlada hoose, isla markaana goobaha loo sameeyey ku kalsoonaaday.

“Annaguna madaxda Dawlada hoose adeegyada suuqan ayaan u soo doonan doonaa, waanan idin soo kormeeri doonaa.’ Ayuu sheegay Md. Cabdikariim.

Hooyo ka mid ah ganacsatada suuqa laynka booliiska oo hadal ka jeedisay ayaa sheegtay inay suuqa ku ganacsanaysay muddo lix bilood ah, isla markaana maalinna aanay ku qadin,

“irsaaqada ilaahay ayaa qeybiya, maalina kumaanu qaddin anniga iyo dad kale oo suuqan ku ganacsanayey.”

Suuqa laynka booliiska ayaa ka mid ah suuqyo yaryar oo Dawlada hoose ee Hargeysa ka dhistay magaalada Hargeysa si loo yareeyo cidhiidhiga ganacsatada ee wadooyinka caasimada Hargeysa.

Leave a Reply