Haweenka Ururka Horseed oo Fariin Warbaahinta u mariyay Masuuliyiinta Dawladda Hoose Hargeysa

0
190

Hargeysa (Dawan) Xubno ka mid ah Haweenka ururka nadaafadda Horseed, ee ka dhisan Degmada 31 May ee magaalada Hargeysa, ayaa ka warbixiyey olole nadafeed oo ay ka fuliyeen degmadaasi, farina u diray masuuliyiinta Dowlada hoose caasimada.

Haweenkaasi oo kala ahaa Ayaan Yuusuf, Hodan Maxamed iyo Kiin Xuseen, ayaa si wado jir ah uga waramay olole nadaafadeed oo maalmihii u danbeeyay ay si isdaba joog ah uga fulinayeen degmadaasi, maadaama roobabkii xilli roobaadkii Gu’gu, qaybo dalka ka tirsan ka uu ka hooray, waxaany xuseen in hawl maalmeedkoodu si fiican ugu socda.

Dhinaca kalena haweenka urur Nadaafadeedka Horseed, ayaa masuuliyiinta dowladda hoose ee magaalada Hargeysa ka dalbadey in ay ka taageeraan agabka lagaga shaqeeyo Qashinka iyo in masuuliyiinta dowlada hoose keenaan hanta qashinka lagu ururiyo si bulshada ku nool degmadaasi iskaga basriyaan qashinka.

Gaba’gabadii waxa ay tilmaameen inay baahi weyn xilligan u qabaan helitaanka Haamaha loogu talo galay in lagu shubo Qashinka iyo wixii xashiish ah ee xaafaduhu iska xaadhaan, si loo helo degmo nadiif ah oo ku habboon in lagu noolaado, sidoo kale dadweynaha xaafadaasi degmada 31 May ku nool waxa ay ka dalbadeen in ay kala qayb qaataan talaabooyinka bilicda degmadaasi kor ugu qaadayaan.

Intii uu socday ololaha ayaa waxaa qashin badan laga saaray xaafada taasoo waayadii danbe aan helin nadiifin.

 

 

 

Leave a Reply