Taalla-buur: Roobab Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

0
203

 

Burco(Dawan):-Guddoomiyaha degaanka Taalla-buur Maxamed Ibraahim ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Roobabka Gu’ga ee ka curtay degaankaasi, waxa uu sheegay in daadkii ka dhashay Roobkaasi in ay qaadeen xoolo tiradoodu kor u dhaafayso laba kun oo neef.

 

Mid ka mid ah odayaasha degaanku waxa uu sheegay in guud ahaan goobihii ay bulshadu ka adeeganayeen ee tukaanadii iyo bakhaaradii dhammaantood uu daadku qaaday, oo uu dumiyay laba iyo toban bakhaar oo ah kuwii ay bulshadu ka adeeganaysay, waxaaney xukuumadda Somaliland ka codsadeen in Gurmad deg deg ah loo fidiyo.

 

Xoghayaha gobolka Togdheer Cabdi Maxamed Ciise ayaa sheegay in ay xukuumadda Somaliland gaadhsiin doonaan khasaaraha naf iyo maalba leh ee uu gaystay Roobkii Gu’ga ee ka curtay degaanka Taalla-buur, waxaanu intaas ku daray in marka la qiimeeyo khasaaraha Roobabka Gu’ga iyo Daadka ay soo rogmadeen ay gaysteen in laga soo jawaabi doono.

 

 

Leave a Reply