“Waan Hambalyaynayaa Guusha ay Gaadheen Ciidanka Qaranku”Guddoomiyaha UCID

0
324

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland ayaa ciidamadda qaranka ku hanbalyeeyay guusha ay ka gaadheen weerarkii ay shalay ku soo qaadeen kooxaha huwanta ah ee ka dagaalamaya magaaladda Laascaanood.

Waxaanu sheegay in iyadoo lagu jiro bil Ramadaan in hada na kooxaha huwanta ahi ay weerar ku soo qaadeen ciidamadda qaranka Somaliland, hase yeeshee ay ciidamadu iska difaaceen weerarkaasi guul na ay ka gaadheen.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo qoraal kooban oo uu arrintaa kaga hadlay ku daabacay bogga uu Twitter-ka ku leeyahay ayaa sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay qorshaha cusub ee dagaal ee ay qaateen ciidanka qaranka JSL.

Eng. Faysal, ayaa qorkaasi ku yidhi sidan, “Iyada oo lagu jiro bishii Illaahay SWT bilaha ka doortay ee Ramadaan, ayay xulufadii G21 maanta ay soo weeratay ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

Waan hambalyaynayaa guusha ay gaadheen ciidanka qaranku. Waxaa kale oo aan soo dhawaynayaa qorshaha dagaal (strategy-da), cusub ee ciidanka qaranka JSL qaatay”.

 

 

 

Leave a Reply