Ururka Afur-kal-kaal Oo Raashin U Qaybiyay Qoysas Danyara Oo Ku Nool Hargaysa

0
190

Hargaysa (Dawan): Ururka khayriga ah ee Afur-kal-kaal ayaa shalay caawimi raashin ah u qaybiyay dad danyar ah oo ku nool xaafado ka tirsan magaalada Hargeysa.

Barnaamijka Afur-kal-kaal oo ay fuliyaan dhalinyaro muta-dawiciin ah ayaa sanad kasta marka la gaadho bisha Ramadaan waxaa laga afuriyaa qoysaska danyarta ah ee ku kala nool goboladda dalka.

Waxaanay shalay ururka Afur-kal-kaal raashin dhamaystiran u qaybiyeen qoysas dan yar ah oo aan haysan wax ay ku afuraan, maadaamada oo lagu guddo jiro bisha Ramadaan.

Qoysaska dan yarta ahaa ee raashinka caawimadda loo qaybiyay ayay tiradoodu dhamayd lixdan qoys, oo ku kala nool xaafadaha caasimadda Hargaysa.

Dhalinyaradda ku bahoobay ururka khayriga ah ee Afur-kal-kaal waxay sheegeen in ay u qorshaysan tahay in maalmaha soo socda ay caawimooyin gaadhsiin doonaan qoysas dan yar ah oo ku kala nool goboladda kale ee dalka.

Axmed-yaasiin Sheekh Cumar, oo ku hadlayay afka dhalinyaradda muta-dawiciinta ah ee ku bahoobay ururka Afur-kal-kaal, ayaa sheegay in ay noqonayso sanadkii shanaad oo xidhiidh ah ay qoysaska danyarta ah ee goboladda dalka ay u qaybiyaan raashin caawimo ah.
Waxaanu tilmaamay Axmed-yaasiin, in sidoo kale ay maalmaha soo socda sidan oo kale raashin ugu qaybin doonaan dadka baahan ee goboladda dalka ku kala nool.

“Ururka khayriga ah ee Kal-kaal Releif and Development Organization, ururkaasi oo ka shaqeeya quudinta dadka danyarta ah, ee wadanka ku nool. Kuwaasoo isugu jira Agoomo, dad waaweyn oo jilicsan, iyo dad kaloo ay duruufaha nololeed haleeleen, ayaanu addeegnaa, oo aanu afurinaa.
Waxaanu barnaamijkani ku magac dheer yahay afuri walaalkaa.

Waana sanadkii shanaad ee aanu barnaamijkani qabano, anagoo ah dhalinyarada ururkan khayriga ah ku bahoobay.
Maanta (shalay), raashinka aanu halkan ku qaybinaynaa waxa uu ka kooban yahay 60 qoys raashinkood, oo aanu qoyskiiba ugu tallo galay, kaasoo ka kooban Sonkor, Barriis, Daqiiq, Saliid, iyo Timir” ayuu yidhi Axmed-yaasiin.

Axmed-yaasiin Sheekh Cumar, waxa kaloo uu faah-faahin ka bixiyay noocyadda uu raashinku ka kooban yahay, isagoona baaq u diray dadka tujaarta ah iyo kuwa wax haysta in ay ka soo qayb qaataan caawinta walaalahoodda baahan.

Waxaanu yidhi, “Qoyskiiba raashin ku filan muddo hal bil ah, oo aanu ugu tallo galnay. Waxaanan ku furnay barnaamijkani gobolka Maroodijeex gaar ahaana caasimadiisa Hargaysa. Waxaanan maalmaha soo socda gayn doonaa raashinka labaad magaaladda Burco, haddii ALLE SWT idmo.

Waxaan ku baraarujinayaa dadka khayrka jecel in ay wax ku soo darsadaan Afur-kal-kaal, oo ay ka qayb qaataan afurrinta walaalahoodda baahan”.

Geesta kale qaar ka mid ahaa dadkii danyarta ahaa ee raashinkan caawimadda ah la gaadhsiiyay ayaa ururka Afur-kal-kaal uga mahad celiyay kaalmadan ay soo gaadhsiiyeen.

Kuwaasoo shregay in ay si weyn ugu baahnaayeen raashinkani, maadaama oo lagu jiro xili Ramadaan ah, oo ay muhiim tahay in ay helaan raashin ay dadka baahani quutaan.

 

 

 

 

 

Leave a Reply