Geesinamadu Waa Hakinta Cadhada!

0
278

Kibirku waxa uu ka mid yahay ficilada xun ee dadka kaa fogeeya isla markaana ay kugu nacaan, Aadamigu waxay jecel yihiin inay weheshadaan basharka naxariista badan ee qiimeeya.

Dulqaadka iyo inaad cadhadaada hakiso waa geesinimada, inaad naftaad hanto wakhtiga lagu xumeeyo  ee aan waxba laguu reebina waa dhiiraan iyo kalsoonidaad uu aan xad lahayn.

Inaad miisaanto oo macno u yeesho isla markaana aad maamuli karto odhaahda carabkaaga waxay ku soo jilaabaysaa inay badato qiimaha aad bulshada ku dhex leedahay.

Waayo ma jiro dhib ka weyn hadalka xun waana ka collaadda iyo xiqdiga abuura.  Waxaana inagu filan xadiiska Rasuulka Allah (scw) “ Qofkii Allah iyo maalinta qiyaame rumeeyay  haku hadlo khayr ama ha iska aamuso”.

Inuu qofku noqdo mid niyad samaan ku nool oo wax kasta ka eegaya dhinaca wanaagsan ayaa sabab u noqda inuu qofku hadafkiisa gaadho oo uu guulaysto, shakiga, xasadka iyo xumaan sheegu nasiib uma helo guusha, waxaana uu wehel u ah werwer iyo walaaca noloshiisa.

 

 

 

Leave a Reply