Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo Shir guddoomiyay kulan-hawleed Mihiim ah

0
84

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax ayaa saaka guddoomiyay kulan-hawleed ay ka soo qaybgaleen dhamaan Agaasime waaxeedyada Haya’adda Shaqaalaha Dawladda.

Kulankaas ayaa qayb ka ah kulamo joogto ah oo looga gol leeyahay dardar gelinta hawlaha shaqo ee Hay’adda Shaqaalaha ayaa waxa diiradda lagu saaray dib u eegista iyo qiimaynta halka ay marayso hirgelinta 16 ka siyaasadood iyo habraac ee maamulka shaqaalaha dawladda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in fulinta siyaasadahaas iyo habraacyadaasi ay aasaas u yihiin dardar gelinta hawlaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo kor u qaadista tayada maamulka shaqaalaha dawladda.

Waxa halkaa laga soo jeediyay qiimayn laga sameeyay halka ay marayaan siyaasadahaasi iyada oo mid mid la isu dul taagay si gaar ahna looga dooday heer fulineed ee siyaasad iyo habraac kasta iyo arrimaha la xidhiidha. Waxa kale oo halkaa lagu lafaguray Arrimaha la xidhiidha is waafajinta xeerka shaqaalaha dawladda iyo siyaasadahaas.

Ugu dambayn waxa la isla qaatay in waax waliba dib ugu noqoto siyaasadda iyo habraaca khuseeya, isla markaana qiimayn rasmi ah laga soo sameeyo dhamaan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, iyada oo wixii soo jeedin iyo talooyin ahna halkaa lagu lafa guri doono.  Shirkaas waxa sidoo kale goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

 

 

Leave a Reply