Masuuliyiinta Gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Gabiley ayaa soo Afjaray Khilaaf ka Dhashay Dhul-daaqsimeedka Biji

0
220

Hargeysa (Dawan) Maamulka goboladda  Awdal, Maroodijeex iyo Gabiley, ayaa baabi’iyay 65 beerood iyo 75 ceel oo sifo sharciddaro ah looga sameeyay dhul daqsimeedka degaanka Biji.

Masuuliyiinta goboladda Awdal, Maroodijeex iyo Gabiley,  ayaa maanta soo gaba’gabeeyay hawlgal qaatay muddo ku dhawan 20 cisho, kaas oo ku saabsana dhul daaqsimeedka la kala ootay ee degaanka Biji.

Hawlagalkan ayaa intii uu socday waxa ay masuuliyiinta goboladda Awdal iyo Maroodijeex iyo Gabiley, ayaa baabi’iyeen 65 beerood, sidoo kale waxa ay burburiyeen 75  ceel, kuwaas oo si sharcidarro ah loo sameeyay, kuwaas oo sabab u noqday in khilaaf soo kala dhexgalo bulshada walaalaha ah ee degaanka Biji.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Axmed Caalin Tiimbaro ayaa sheegay in 15 cisho ay ku qaadatay baabi’inta iyo burburinta dhulka sida sharcidarada ah loo ootay, waxaanu intaas ku daray in ujeedada ay halkaasi u joogeen ahayd sidii aanay fidno uga dhalan lahayn.

Geesta kale waxa uu xusay in dad meelo kale jooga ay dabada kawadaan,   waxaanu ka codsaday in ay kawaantoobaan cidkasta oo gacanta kula jirta hawsha degaanka Biji, waxaanu caddeeyay in dhulkaasi sidaasi loo baabi’iyay uu baaba’sanaanayo qofkastana uu iskaga tago, waxa uu sheegay in ciddii lagu qabto iyada oo hawl kawada la xidhi doono lana ganaaxi doono.

Leave a Reply