Masuuliyiinta Xidhiidhka Kubbada Cagta Somaliland oo ka warbixiyay Koobka Ramadaanta

0
191

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiinta xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ayaa ka warbixiyay habsami u socodka koobka kubadda cagta ee bisha Ramadaan, kaas oo ka socda gobollada iyo degmooyinka dalka.

Guddoomiye ku xigeenka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Khadar Xuseen Jaamac, ayaa faafhaahin dheer ka bixiyay koobka kubadda cagta ee bisha barakaysan ee Ramadaan, oo ka socda garoonada degmooyinka kala duwan ee magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in ciyaarahaasi si wanaagsan uga socdaan garoomadaasi kala duwan iyada oo ay maamulayaan garsoorayaal ay u igmaadeen.

Geesta kale Khadar Xuseen Jaamac waxa uu xusay in koobka bisha barakaysan ee Ramadaan kaga duwan yahay koobabka kale in ay maalgeliyaan shirkadaha waddaniga ahi, waxaa uu tilmaamay in shirkaddaasi geedi socodka kubada cagta ee dhallinyarada ay dhiirigelin u tahay, isla maraana ay ka kaabaan agabka kala duwan ee lagu ciyaaro.

Gaba’gabadii guddoomiye ku xigeenka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Khadar Jilaani waxa uu sheegay in gobollada iyo degmooyinka dalka uu ka socdo koobka Ramadaanta, isla markaana koobkan looga gol leeyahay in dhallinyarada dalka loogu dhiirigelinlahaa xagga ciyaaraha

Leave a Reply