Somaliland iyo Itoobiya oo ka wada hadlay Marinka Dhaqaalaha ee Berbera

0
196

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Maxamuud Xassan Sacad “Saajin” oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Cabdirashid Ibrahim ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dalka Ethiopia u fadhiya Somaliland Ambassador, Delil Kedir Bushra.

 

Kulanka laba dhinac oo ka qabsoomay Wasaarada Ganacsiga ayay  labada dhinac kaga  wada hadleen xoojinta xidhiidhka ganacsi ee labada wadan iyo sidii Itoobiya u adeegsan lahayd marinka dhaqaalaha ee Berbera (Berbera corridor).

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane. Kaahin ayaa hore kulan ula qaatay Safiirka Itoobiya u jooga Somaliland,kulankaas oo lagaga wada hadlay xoojinta ammaanka labada waddan.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply