Taliyaha Ciidanka Xeebaha oo Boggaadiyay Dawladda hoose Hargeysa

0
142

Hargeysa (Dawan) Taliyaha guud ee Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral. Axmed Hurre Haariye (Libaax) ayaa masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa uga   mahadceliyey boqasho ay ku tageen xarunta ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, waxaanu taliyuhu xusey in hay’addaha kala duwan dowladu wado shaqeyn leeyihiin.

Sidoo kale waxa uu taliyuhu masuliyinta dowladda hoose Hargeysa ku boggaadiyay sida ay markasta ugu hawlan yihiin bilic soocelinta caasimada, geesta kale waxa uu uga mahadceliyay olole ay hore uga fuliyeen   xarunta ciidanka xeebaha Somaliland, kaas oo  kor loogu qaadayay  bilicda xarunta ciidanka ilaalada xeebaha ee magaalada Hargeysa.

Admiral. Axmed Hurre Haariye (Libaax), taliyaha guud ee Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa sheegay in wado cusub dowladda hoose caasimadu  ka hirgalisay agagaarka xarunta ciidanka xeebaha, iyadoo ciidankuna wadadaasi baahi balaadhan u qabey,  halka sidoo kale gaadiidka kala duwan bulshada caasimadana ay marin u tahay, isla markaana ay qayb weyn ka qaadatay dhismista saxmadii gaadiidka ee ka taagneyd caasimada.

Gaba’gabadiina taliyuhu ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, waxa uu sheegay masuuliyiinta dowladda hoose caasimadu u balanqaadey in ciidankaasi u dhisi doonaan hool cusub, oo cidanku howlihiisa ku qabsan doono, waxaanu taliyuhu goobtasai maayirka caasimada ku goddoonsiiyey shahaado sharaf ka ciidan ahaan ugu soo talo galeen.

Leave a Reply