Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Al-waxyeyn oo la soo Gaba’gabeeyay

0
233

Hargeysa (Dawan) Xubno ka mida golaha wasiiradda Somaliland ayaa ka qaybgalay gaba’gabada tartanka Al-waxyeyn ee Qur’aanka Kariimka ah iyo Axaadiista oo lagu soo afmeeray magaalada Hargeysa.

Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Alwaxyeyn oo sannad guuradii tobnaad galay ayaa waxa maalgelisay shirkadan isgaadhsiinta ee Telesom, waana tartan lagu tartamo Qur’aanka Kariimka iyo Axaadiistii Nebigeena Maxamed Scw.

Cabdiraxmaan Aadan Shire guddoomiyaha musaabaqada Alwaxyeyn oo haka hadlay munaasibadii loo sameeyay gaba’gabadii tartanka Quraanka Kariimka ah ayaa ka waramay maraxillkii uu soo maray iyo 10-ka  sano ee uu socday sida uu kor ugu qaaday da’yarta ku tartamaysa Qur’aanka Kariimka ah iyo barashada Axaadiista.

Cabdiwahaab Maax oo ah madaxa Telesom Foundation oo ah shirkada fulisay tartankan Qur’aanka Kariimka iyo Axaadiista ee Alwaxyeyn ayaa sheegay inay siiwadii doonaan, waxaanu tilmaamay qiimaha iyo fadliga ku jira bashada Qur’aanka iyo Axaadiista.

Mid ka mida Garsoorka guddida Cabdirisaaq Cabdillaahi Cabdi Cali, ayaa ka hadlay faa’idada uu tartankani u leeyahay da’yarta barata Qur’aanka iyo axaadiista, waxaanu kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaalkooda.

Wasiirada wasaaraddaha Qorshaynta Qaranka, Dastuurka, ayaa soo dhaweeyay tartamada noocan oo kale isla markaana sheegay in wax lagu tartamo ay ugu qiimo badan yihiin Qur’aanka iyo Axaadiista, iyaga oo uga mahadceliyay cidkasta oo gacan ka gaysatay.

Gaba’gabadii wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani, ayaa xusay inuu ka mid ahaa asaasayaashi tartankan isla markaana uu goobjoog uyahay midha dhalkeeda, waxaanu halbalyo u diray ardaydaasi.

Waxa shahaadooyin iyo abaalmarino qaali ah halkaasi lagu guddoonsiiyay ardaydii tartankan Quraanka iyo Axaadiista kaalmaha hore ka galay,  waxaana si gaara loo xusay madarasadaha Maryama Bintu Cumraan iyo Alxaramayn oo ardayda wax ka barta ay siweyn uga dhexmuuqdeen tartan.

Cabdillaahi Maxamed Cabdillaahi oo ahaa ardaygii ugu dada’yara , tartamayaashan, dadiisuna ahayd 8 jir,  ayaa noqday ardaygii kaalinta koobaad galay 10-ka Jis ee Qur’aanka Kariimka ah

Leave a Reply