Xikmadaha

0
308

 

  • Marka ay dadku isku caawiyaan dambiga iyo xad-gudubka, waa marka ay is wada nacaan.
  • Ma jiro wax uga faa’iido badan qalbiga Tawxiidka iyo Ikhlaaska.
  • Cafiska ugu quruxda badan waa inaad qofka cafido adigoon canaanan,
  • Sabirka ugu quruxda badanna waa inaad sabirto adigoon caban.
  • Xuska Allah (sw) wuxuu qalbiga u yahay sida biyuhu kalluunka u yihiin
  • Allah (sw) ciqaab kasta oo ka yimaada waa cadaalad, naxariis kasta oo ka timaadana waa nimco
  • Qofka carabkiisa wuxuu ku siin karaa dhadhanka qalbigiisa.
  • Awoodda qalbiga waxay soo laabataa marka qofku uu tawbad keeno.
  • Labada ciidan ee aan marna la jabin karin waa: qalbiga daacada ah iyo ducada qofka xaqa ku taagan.
  • Adoonku wuxu mar kasta ku sugan yahay nimco ay tahay inuu ku mahadnaqo
  • Ama denbi ay tahay inuu ka toobad keeno.
  • Qofna si xad dhaaf ah ha ugu tiirsanaan adduunka, waayo xitaa hadhkaaga ayaa ka tegaya markaad madawga gasho.

Leave a Reply