Madaxweyne ku Xigeenka oo Kormeeray Ceelasha iyo Kaydka Biyaha Boorama

0
277

Boorama (Dawan): Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay soo kormeeray kaydka biyaha ee ku yaalla Bariga iyo Galbeedka magaaladda Boorama.

Cabdiraxmaan Saylici, oo maalmahan ba safar shaqo ku jooga gobolka Awdal, ayaa kormeerkiisa ku soo maray goobaha ay ku yaalaan kaydka biyaha ee Galbeedka, iyo Barriga, ee magaaladda Boorama.

Kormeerkaasi waxaa madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay xildhibaanno, masuuliyiinta shirkadda maamusha biyaha Boorama, ee Shaaba, agaasimeyaal guud, isu-duweyaal, iyo masuuliyiin kale.

Waxaanu madaxweyne ku-xigeenku markii uu halkaa gaadhay warbixino kaga dhegaystay maareeyaha shirkadda Shaaba, Cabdiraxmaan Sheekh Cabdisalaan, oo faah-faahin ka siiyay qaabka ay u shaqayso shirkadu, iyo waxyaabaha ay ku soo kordhiyeen horumarinta biyaha Boorama.

Cabdiraxmaan Sheekh Cabdisalaan, maareeyaha shirkadda Shaabba, ayaa madaxweyne ku-xigeenka u sharaxay waxyaabaha cusub ee ay ku soo kordhiyeen horumarinta biyaha Boorama.

Waxaanu yidhi, “Dhismeyaasha ay shirkadu ugu talo gashay in la casriyeeyo maamulka biyaha Boorama, oo shirkadda Shaba, ku soo kordhisay. Waxaanan muddo ku mashquulsanayn sidii aanu bulshadda uga haqab-tiri lahayn biyaha, markii danbe na waxay noqotay in aanu anagu is hagaajino.

Waxa kale oo aad soo kormeertay goobaha horumarinta biyo-qabatinka magaaladda. Aad baanu arrinkaasi noo dhiiri gelinayaa, haddii aanu nahay shirkadda Shaabba, in dawladda Somaliland ee aad hogaaminaysaan adiga, iyo madaxweynuhu. Aad baanu idiinkaga mahad naqaynaa sida aad mar walba noogu dhiiri gelisaan horumarinta biyaha”.

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa isna ka hadlay waxyaabihii uu ku soo arkay goobaha biyo soo saarka, iyo kaydka biyaha Boorama ee uu soo kormeeray.

Waxaanu yidhi, “Maanta (shalay), waxaan soo kormeernay ceelasha biyo-saarka magaaladda Boorama, iyo kaydka biyaha, ee Barriga, iyo Galbeedka. Waxa kaloo aan soo kormeeray laba Taangi, oo kaydka biyaha ah, oo midkiiba 1000 mitric cubic, uu qaadayo, oo dhismahoodu dhamaaday, dhawaana in ay shaqeeyaan la rejaynayo. Kuwaasoo laga maal-geliyay sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF”.

Geesta kale madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu baaqay wasaaradda biyaha, iyo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF in ay soo dedejiyaan mashruuc lagu horumarinayo biyaha magaaladda Boorama.

“Waxaanu runtii dib u dhac badan ka tirsanaynaa, oo ay la raageen sanduuqa SDF, oo aan odhan karro way ku rafteen, oo hadda muddo saddex, ilaa afar sanadood ah socday. Runtiina ay magaaladu aad u raagsatay. Waxaanan rejaynaa in madaxda sanduuqa SDF, iyo wasaarada biyaha, oo daba-galka, iyo kormeerka leh na, in ay arrintaa dedejiyaan. Maadaama oo wakhtigii Xagaagu, uu soo gelayo oo bil keliya ay ka hadhay, in ay mashruucaasi soo dedejiyaan.
Iyadoo imika magaaladii Boorama, ay baaxadeedii weynaatay, oo la odhan karro wqxaa biyonu baahan 25% qiyaas ahaan, oo u baahan in biyo la gaadhsiiyo” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

 

Leave a Reply