Maamulihii hore ee Ururka Hurdada Ingiriiska Dr.Neil Stanley oo u warmayay Wargeyska “The Independent “ ayaa sheegay in heerkulka qolka hurdada marka u aad u sareeyo uu dhibaato ku keeno dadka seexda, waxa kale oo dhacda inay ku riyoodaan muuqaalo riyo oo khariban oo naxdin xambaarsan. Stanley wax uu si kooban u yidhi : “Si aan hurdo wanaagsan u helno, waxaa wanaagsan inaan ogaano heerkulka jidhkeenna, kaasi oo caadi ahaan gaadha 370C. Iyadoo wejiga iyo madaxuna loo baahan yahay in hal derejo ka hooseeyo. Haddaba marka aad seexato qol aad u kulul jidhkaagu ma lumin karo heerkulka loo baahan yahay.” Waxa kale oo oo u Ka digay in goor danbe oo habeenka ah raashinka la qaato kaasi oo kordhin kara heerka kulka. Golaha Hurdada ee Ingiriiska ayaa iyagun talooyin soo saaray talloyinkan: “Ilaali heerkulka dhexdhexaadka ah ee qolka hurdada, marka uu kulaylku badan yahay ama qobowgu daran yahay, si wanaagsan uma seexan kartid.” Xikmadaha

0
239
  • Malaha xumi wuxu ku nacsiiyaa saaxibadaada, qoyskaaga qaarkood, wuxuuna yareeya kulanka asxaabta. Allah (sw) weydiiso inuu kugu arsaaqo malaha wanaagsan kaasi ayaa ah raaxada qalbiga iyo fayoobidda laabta.

 

  • Waa inaad U noqotaa qof wanaagsan kuwa ku baahan markaad maamul ama maal hayso.maxaa yeelay waxaad la kulmi doontan markaad halkaasi weydo. Mana jiro qof weligii saraynaya.

 

  • Biyaha baylka ah ee is laba rogaya, kama arkaysid sawrikaaga, sidaas darteed ma arki kartid xaqiiqda adigoo cadho karaya. Sug inta cadhadu kaa degayso, ka dibna go’aan gaadh marka aad degto si aanad u murugoon.

 

  • Jeebadaha madhani qofka kama joojiyaan inuu guulaysto, laakiin quluubta iyo maskaxaha madhan ee faaruqa ah ayaa joojiya guusha. Dr.Ibrahim Fiqh
  • Haddii mashquul ku tahay inaad dad kale burburiso, wakhti u helimaysid inaad naftaada dhisto.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply