Noloshu wey is badesha laakiin ma istaagto. Rajadu wey qarsoonta laakiin ma dhimato
- Fursadu wey dayacantaa laakiin ma dhamaato. Mar kasta oo noloshu kugu adkaato, Allaha (sw) talo saaro oo uu noqo, wanaagna ka rajee.
- Nin ayaa caaqli badan (Xakiim) ah ku yidhi “ Waxaan guursaday gabadh naafo ah, suurtagal ma tahay inaan iska furo ? Waxaanu ugu jawaabay “ Haddii aad rabto inaad orodka kula bertanto iska fur”.
- Nin gabadhiisa furaya ayaa la weydiiyay sababta furitaanka waxaana uu ku jawaabay “ Fariidku gabadhiisa waxba kama sheego”, Markii uu furay ayaa lagu yidhi imika ayaanay gabadhaadi ahayn maxaad ku furtay ? Waxaana uu ku jawaabay: “ Caaqilka gabadh aanay shaqo isku lahayn waxba kama sheego”
- Biyo kasta oo macaan oo samada ka soo dhaca waxba kama bedelaan biyaha dhanaan ee badda, kalsooni nafta sii, adiga ayaa isbedelka naftaada samayn kara, laakiin cidna kuma bedeli karto.