Safiirka Midowga Yurub oo lagu weeraray gurigiisa Khartuum

0
178

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Sudan, Aidan O’Hara, ayaa lagu weeraray gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Khartuum, halkaas oo ay ku dagaallamayaan xooggag iska soo horjeeda.

“Dhaawac weyn ma uusan gaarin” diblomaasiga oo u dhashay Ireland, sida uu xaqiijiyay wasiirka arrimaha dibedda ee dalkaas, Micheál Martin.

Wasiirka ayaa weerarka ku tilmaamay mid “si weyn meel ka dhac ugu ah waajibaadka ilaalinta diblomaasiyiinta”.

Ku dhawaad 185 qof ayaa ku dhintay dagaalka tan iyo Sabtidii ka socday Khartuum, iyadoo dhaawacuna uu ka badan yahay 1,800 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dhinacyada ku dagaallamaya Khartuum ayaa isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo diyaaradaha dagaalka.

Milateriga Sudan iyo xooggaga sida gaarka ah u tababaran ee magacooda loo soo gaabiyo RSF ayaa midba sheeganaya inuu gacanta ku haya goobaha muhiimka ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Ireland ayaa ku tilmaamay danjiraha la weeraray “diblomaasi heerkiisu sarreeyo oo dalkiisa iyo Yurub ba u shaqeeyay xilli adag”.

Goor sii horreysay, madaxa siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa bartiisa Twitter ku qoray in “mas’uuliyadda amniga safaaradda iyo shaqaalaha ay saaran tahay” dowladda Sudan.

Nabila Massrali oo u hadashay Midowga Yurub ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP in diblomaasiyiinta ururkaas aan laga daadgureyn Khartuum, iyadoo intaa raacisay in la qiimeynayo tallaabooyinka amniga ee ku habboon.

John Kirby oo u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa isna sheegay in xilligan uusan jirin qorshe ay Washington kula baxayso shaqaalaha ka jooga Sudan, inkastoo uu xiran yahay garoonka diyaaradaha ee Khartuum.

Waxaa se uu ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta dalkiisa in “si dhab ah ay uga fekeraan xaaladda ka taagan dalkaas”.

Shacabka Khartuum ayaa ku sugan guryahooda, waxaana jirta cabsi ah in dagaalka uu daba dheeraado, isla markaana uu burbur u horseedo Sudan.

Isniintii, qiiq iyo holac ayaa laga arkayay garoonka diyaaradah ee Khartuum. Milateriga ayaa diyaarado ku duqeeyay saldhigyo ay leeyihiin xooggaga RSF oo qaarkood ku yaalla goobaha ay shacabka degan yihiin.

Goobaha la duqeeyay waxaa kamid ah cisbitaallo, gaar ahaan cisbitaalka weyn ee al-Shab, sida ay sheegeen dhakhaatiirka Sudan.

Dhinacyada dagaallamaya ayaa Axadii muddo kooban xabbada joojiyay si daryeel caafimaad ay u helaan dadka dhaawacmay.

Dedaalada socda

Urur goboleedka Igad ayaa wada qorshe uu Khartuum ugu dirayo Madaxweynayaasha Kenya, Jabuuti iyo South Sudan si ay u dhexdhexaadiyaan dhinacyada.

Nuur Maxamuud Sheekh oo ah xoghayaha Igad ayaa BBC u sheegay in ay muuqato fursad horumar looga sameyn karo xal u helidda colaadda Sudan.

“Madaxdu waxa ay u socdaan Sudan si ay ula kulmaan labada hoggaamiye. Haatan waxaa u socda xiriir aan toos ahayn, waxaana loogu baaqay in ay xabbada joojiyaan oo ay khilaafkooda ku dhameeyaan wadahadal,” ayuu yiri Nuur.

Waxa uu intaa ku daray in labada janan ee kala hoggaaminaya dhinacyada ku dagaallamaya Sudan ay oggolaadeen in ay wadahadlaan, taas oo u uku tilmaamay arrin wanaagsan.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Maxaa la isku hayaa?

Labada janan ayaa wixii ka dambeeyay afgembigii dhacay October 2021 waxa ay Sudan ku xukumayeen gole ka kooban taliska milateriga.

Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye kuxigeenka golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo, halka milateriga uu u taliyo Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan oo ah madaxa golaha talada haya.

Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo dowlad rayid ah ayaa socon waayay kadib markii ay labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka degdega ah loogu biirinayo milateriga Sudan.

Ciidanka gaarka ah ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10 sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya in hawsha lagu soo gebagabeeyo laba sano gudahood.

Beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah.

Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin dagaalka ka socda Khartuum, loona baahan yahay in xaaladda la dejiyo.

 

Leave a Reply