Suudaan: “Ma heysanno biyo iyo koronto” xilli dagaalku uu socdo

0
149

Qof ku nool caasimadda Suudaan ee Khartoum ayaa warbaahinta u sheegay in aanay heysan biyo ay cabbaan xilli uu socdo dagaalka maalinta afraad galay ee u dhexeeya ciidamada iska soo horjeeda.

“Saaka(shalay) biyo la’aan ayaan nasoo wajahday” ayay tidhi Ducaa Taariiq oo kamid ah dadka deggan caasimadda Khartoum.

Waxay intaa ku dartay in wax kaliya ah ay heysato ay tahay caagad yar oo ay biyo ah si ay ugu siiso canugeeda oo laba jir ah.

“Inta badan dadka wey dhinten, waxay ku dhinteen guryahooda maadama rasaasta iyo madaafiicda guryahooda ku dhaceen, marka waxaa wanaagsan in laga fogaado meelaha bannaan ee guriga sida daaqadaha”

Waxaa socdaa dadaallada lagu doonayo in militeriga iyo ciidamada howgalka deg deg ah ee RSF sidii ay u dhaqangelin lahaayeen xabbad joojin muddo 24 saacadood gudahood.

Ciidamada RSF ayaa bililiqo ka geystay qaar kamid ah xaafadaha ku yaalla caasimadda.

Dadka deggan xaafadda Khartoum 2 ayaa BBC u sheegay in ciidamada RSF ay gudaha u galayeen guryaha isla markaana shacabka ay weydisanayeen biyo iyo cunto.

Duqeymo culus ayaa ka socdaa Suudaan iyadoo qiiq iyo uuro madow laga arkayay garoonka diyaaradaha ee ku yaala bartamaha magaalada Khartoum kaasoo ku dhagan saldhigga ciidamada, Wadooyinka qaar ee caasimadda waxaa lagu arkayaa taangiyada dagaalka.

Xaafadaha ay deggan yihiin shacabka ee ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in dagaalka uu go’doomiyay.

 

Haweeney bukaan ah oo ku sugan isbitaalka Al-Zara ayaa BBC u sheegtay Isniintii in xaaladdu ay ka sii dareyso maadaama aysan heysan dawo iyo cunto, isbitaalka ayaa buux-dhaafay iyadoo halkaas la geeyay dadka kusoo dhaawacmay weerarka RSF.

Shacabka ma heystaan adeegyadii muhiimka ahaa, waxaana go’ay sahayda ilaa toddobo gobol, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO).

“Haatan isbitaallada waxay kusoo warramayaan in aanay heysan adeegyadii caafimaadka ee muhiimka ahaa sida dawooyinka, qalabka ogsijiinta iyo qalabka lagu sameeyo qalliinka” ayay tiri Dr Nimca Abid oo ah wakiilka WHO ee Suudaan xilli ay la hadleysay barnaamijka News Day ee laga baahiyo BBC-da.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan arrimaha Suudaan Volker Perthes ayaa BBC-da u sheegay in uu maalin kasta uu la xiriiro labada Jeneraal ee isku haya dagaalka, balse waxa uu sheegay in aysan wada hadlin.

Taliyaha militeriga ee Suudaan, Janaraal Cabdel Fataaxa Al-Burhan, ayaa warbaahinta CNN u sheegay in xabad joojinta ay dhaqan geli doonto maqribkii, qaar kamid ah ciidamada ayaa beeniyay arrintaas.

Madaxa ciidamada RSF Maxamed Xamdan Dagalo, oo loo yaqaan Hemedti, sidoo kalena kale ah hoggaamiye ku xigeenka xukuumadda Suudaan ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in uu aqbalay xabbad joojinta si loo daadgureeyo shacabka dagaalka ku dhaawacmay balse wuxuu horey u sheegay in la jebiyay heshiisyada lagu joojinayay dagaalka.

Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay inay soo gaarayaan cabashooyinka dad badan oo ku dhex go’doonsan guryahooda kadib dagaalka ka qarxay halkaas -caasimadda waxaa ku nool dad lagu qiyaaso ugu yaraan shan milyan oo qof.

Laakiin hay’addan gargaarka ah ayaa sheegtay in aysan suurtagal aheyn in gargaar la gaarsiiyo shacabka xilli ay jiraan duqeymaha iyo weerarrada la isku adeegsanyo madaafiicda.

Ilaa 185 qof ayaa ku dhintay halka in ka badan 1,800 oo kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu dagaalka ka qarxay Suudaan Sabtidii, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay

 

 

 

Leave a Reply