Guud ahaan Gobolada iyo Dagmooyinka dalka Somaliland ayaa ku  jira dabaaldega  maalintii labaad ee munaasibada Ciidal Fidriga

0
139

Hargeysa (Dawan) Guud ahaan Gobolada iyo Dagmooyinka dalka Somaliland ayaa ku  jira dabaaldega  maalintii labaad ee munaasibada Ciidal Fidriga  taas oo  shaqaalaha dawlada iyo  kuwa kaleba ay fasax ka yihiin shaqooyinka iyagoo farxada ciida la qaadanaya ehelkooda iyo asxaabtooda.

Wargeyska Dawan oo xidhiidho la sameeyay dhamaan gobollada iyo dagmooyinka dalka  ayay weriyeyaashu ay sheegeen in si nabadgelyo ah looga ciiday gobollada dalka marka laga reebo caasimada gobolka Sool ee Laascaanood oo ay ka jirto shaqaaqo.

Weriyeyaasha ayaa warbixintooda ku sheegay in munaasibada ciidal fidriga si nabadgelyo   iyo farxad ah loogu dabaaldega iyadoo dadweynuhu ay isagu hambalyeyenayeen curashada bisha shuwaal  iyo gabagabynitii bishii barakaysaneyd ee Ramdaan oo dalka ugu soo dhamaatay barwaaqo iyo nabad.

Qaybaha kala duwan ee bulshaweynta reer Somaliland ayaa kuguda jira farxada ciida maalintii labaad, iyaga oo ku damaashadaya goobaha ka baxsan magaalooyinka ee roobka Gu’gu maasheeyay.

Sidoo kale Caruur iyo Ciroole u dabaaldegaya Munaasabada Ciida ayaa maalintii labaad lagu arkaya jidadka waa weyn ee magaalooyinka Somaliland, iyada oo goobaha loo dalxiis tago lagu arkayay waalidiin caruurtooda la damashadaya islamarkana sawiro la galaya.

Leave a Reply