Saxaabiga Ibnu Mascuud (rc) waxa uu Rasuulka Allah (scw) ka soo weriyay inuu yidhi: :” Maxaad u taqaaniin ninka adag ee raga legda? Waxaana asxaabtu yidhaahdeen ninka aanu raggu legdi Karin, waxaan Nebigu (scw) yidhi “ Ninka adagi waxa weeyi , ninka naftiisa qabta ee xakameeya marka uu cadhoodo” (Muslim)
Xadiiskani wuxu tilmaamaya dhibaatada ay leedahay cadhadu iyo wanaagga uu leeyahay dulqaadku.
Saxaabiga kale ee Maalik ayaa soo weriyay :”in nin nebiga (scw) u yimi oo ku yidhi “ ii dardaaran oo ha igu badinin, inaan iloobaa laga yaabe”.
Rasuulka Allah (scw) wuxu ku yidhi “ Ha cadhoon”.