Xukuumada oo Caddeymaha Al shabaab, Puntland iyo Soomaaliya ee Laascaanood ka Dagaalamaysa u Gudbisay Golaha Ammaanka

0
345

Hargeysa (Hargaysa)- Kooxaha huwanta waxay diyaariyeen qorshahii lagu khalkhalgelin lahaa nabadgelyada Somaliland iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Barnaamij telefishanka France 24 diyaariyey dagaalka Laascaanood oo la baahiyey 20 April 2023 oo uu wareysi kula yeeshay maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalka ayey u sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed oo wax laga weydiiyey xaalada dagaalka Laascaanood ayaa sheegay

“Ciidamo ka socda Al shabaab, Puntland iyo Soomaaliya ayaa qorsheeyey oo ka dambeeyey in dagaalka Laascaanood bilaabmo.” Ayuu yidhi

Wasiir Kaahin waxuu soo bandhigay caddeymo qarsoon oo xukuumada Somaliland la wadaagtay Golaha amaanka,

“Kani (Cabdi Madoobe) waa hogaamiyaha kooxda al Shabaab ee deegaanka Laascaanood.

Sidoo kale cadeymaha ciidanka ka tirsan Soomaaliya ayaa ka muuqday bogga labaad ee caddeymaha Somaliland gudbisay, ayaa lagu sheegay warbixinta.

Wasiir Kaahin ayaa ku eedeeyey kooxaha huwanta inay doonayaan abuuritaanka xasilooni-daro iyo burburka Somaliland.

Khabiir la tirsan hay’adda Xasaradaha Caalamka (ICG) Nicolas Delaunay ayaa sheegay inay xidhiidho badan oo ay la sameeyeen ilo kala duwan ku xaqiijiyeen in xoogagaasi dagaalka kaga qeybgaleen hab qabiil, khilaafka taagan waa mid siyaasadeed, xaqiiqdii, waana in wada xaajood lagu dhameeyo

 

Leave a Reply