Muhimadda Iyo Xulashada Xubno Hawlkar Ah!

0
156

Shirkadda Google ayaa qofka shaqaalaha ee ay qaadanayso aan muhimadda koowaad siinin shahaadooyinka uu sito iyo weliba aqoonta uu leeyahay sida shirkadaha kale, taasi oo ay shirkaddu cadaysay in aanay ahayn siyaasadda shaqada ee shirkadda.

Google ayaa qofka uu shaqaalaynayo ku xusha saacadaha uu soo jeedi karo iyo ariimo kale oo badan oo xidhiidh la leh shakhsiyadda iyo ruuxda qofka.

Waxa kale oo arrimaha lagu qiimeeyo ka mid ah inta saacadood ee uu awood u leeyahay inuu isticmaalo computerka. Google ayaa sheegay in aqoonta oo ay ka maqan tahay kartida qofka aanay waxba ka tarayn hawsha la rabo sidaas darteedna ay muhimadda koowaad siiso hawlkarniamda qofka shaqaalaha laga dhigayo.

Leave a Reply