Wefdi Koonfur Afrika ah oo Dano Maalgashi Dalka u Yimi

0
294

Hargeysa (Dawan)- Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay qaabishay Wefdi ballaadhan oo ka socda dalka Koonfur Afrika oo dalka u yimi dano maalgashi .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Maxamad Cismaan Siciid (Maxamed-Somali), Maareeyaha Dekadda Berbera Siciid Xasan Cabdillahi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga Siciid Axmed Cabdikariim iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Koonfur Afrika Axmed Jaamac Xasan ayaa qaabilay wefti balaadhan oo ka socda Shirkadaha Utho Capital iyo Gohela Construction and Projects, oo dalka Koonfur Afrika kaalmaha hore kaga jira.

Masuuliyiinta Shirkadahan oo dalka u yimi Maalgashiga dhinaca Bangiyadda iyo Warshadaynta kuwaasi oo warbixino faahfaahsan ka dhegeystay masuuliyiinta xukuumada ayaa socdaalo indho-indhayn ah ku tagi doona aagag muhiimka ah qorshahooda maalgashi.

Agaasimaha Guud ee Maalgashiga ayaa uga warbixiyay fursadaha maalgashi ee dalka, isla markaana ay diyaar yihiin xeerarka iyo siyaasadaha dhiirigalinaya Maalgashiga.

Utho Capital waa hay’ad maaliyadeed oo shaqeyneysay in ka badan saddex iyo toban sannadood, isla markaana bixisa xalal maaliyadeed oo hal abuur leh, halka GC & Projects ka qaybqaataan horumarinta iyagoo abuuraya faa’iido, iyo wanaajinta bulshada.

 

Leave a Reply