In kabadan 10 arday oo ka qalinjiisay Machadka Shamsuculuum ee Ceergaabo

0
121

Ceerigaabo (Dawan) Magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxaa lagu qabtay munaasabadan ay ku qalinjibinayeen in kabadan 10 arday oo baratay culuumta shareecada islaamka kana aflaxay machadka Shamsu Culuum ee magaalada Ceerigaabo.

Xubno kamid ah maamulka gobolka , kan degmada Ceergaabo , aqoonyahano , madaxda maamulka Machadka, waalidiin , iyo marti Sharaf kale ayaa ka qeeybgalay munaasabada.

Qaarka mida madaxdii iyo marti sharftii kale ee ka soo qaybgashay ayaa ardayda ugu hanbalyeeyay guusha ay gaadheen, waxaanay waalidiinta kula taliyeen in caruurta la baro Kitaabka ILLAAHEY, waxa ay intaas ku dareen in Machadkani uu ka duwan yahay machadyada lagu barto culuumta shareecada ee dalka kuyaala, waxa ay tilmaameen ardaydani ay yihiin kuwa sunadii Nabeegu NNKHA ay ka muuqato.

Maxamed Maxamuud Muuse maamulaha Machadka Shamsuculuum ayaa faafhaahin ka bixiyay maraaxilkii ay soo mareen ardayda qalinjabisay.

Waxaanu yidhi. “Machadka qaybta Ceerigaabo waxa la aasaasay 2019-kii, waxa uu hoostaga Jaamacada Shamsuculuum, ujeedada loo aasaasayna waxa ay tahay in la helo jiil xanbaarsan Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, iyo culuumta Shareecada Islaamka.

Ardayda galaysa waxa aanu u xulana in ardaygu Qur’aanka dhammeeyay, arday aan Qur’aanka Kariimka ah dhammeyn Machadka magalo, ardayda maanta qalinjabinaysa waa 10 arday.”

 

Leave a Reply