Xukuumada oo Xayiraadii ka Qaaday Laanta Afka Soomaaliga ee BBC

0
202

Hargeysa (Dawan) Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xayiraadii ka hawlgalida dalka ka qaaday laanta afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in ay ka wadahadleeen xalinta khilaaf ka soo kala dhex galay Idaacada BBC.

Qoraalkaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan, waxa uu u dhignaa sidan “Ujeeddo: Xayiraad ka Qaadida laanta afka soomaaliga ee Idaacada BBC-da

Mudanayaal

Wada hadal iyo kulamo dheer oo aan wada yeelanay BBC da qayhteeda afka Soomaaliga, kulamadaas oo aan ku qaadanay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta iyo shirar kale oo ay wada yeesheen Wasaaradda Arrimaha Dibedda, waxa aanu kawada hadalnay oo aan meel isla dhignay xalinta khilaafkii soo taxnaa ee u dhexeeyay Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Laanta afka Soomaaliga ee BBC da.

Sidaas daraadeed waxa aan kugu wargelinayaa in aan maanta oo ay taariikhdu tahay 27/04/2023- aan ka qaadnay xayiraadii ka saarnayd ka hawlgalida gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Idaacadda BBC-da laanteeda afka soomaaliga.

Sidaa Iyo Wada Shaqeyn Wanaagsan.

Allaa Mahad leh.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka too Wacyigalinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore.”

 

 

Leave a Reply