Libaaxu Waxa Quudiyaa Xayawaano Badan Oo kale! Risiqa Haka Werwerin!

0
213

Libaaxyadu si adag oo dhib leh ayay u ugaadhsadaan , marka ay qabsadaan ee cunaan, kana dhergaan waa ay iskaga tagaan hadhaaga Ka dib Waraabaha ayaa  u yimaadda oo cuna kana dherga. Isaguna waa uu iskaga taga marka uu dhergo.

Gorgorka ayaa haddana soo dega oo wixii ku hadhay lafaha ayuu feenta oo ka dhergaa iskagan taga.

Intaasi ka dibna Qudhaanjada iyo cayayaanka kale ayaa yimaada oo cuna hadhaaga hilibka yar yar ee aanay awoodayn xayawaanada kale inay la soo baxaan kuwaasi oo lafaha hoostood iyo dhinacooda adag ku dheggan.

Mid kasta waxa uu cunay Risiq uu Allah Siiyay.  Waxaana arrimaha maamulka  wanaagsan ee Allah(sw)  ee Kownkan u dejiyay.  Libaaxu mahaysto Talaajad uu ku kaydsado cuntada inta u soo hadhay si marka uu gaajoodo u cuno. Waraabuhu kuma mashquulo cuntada uu ka dhergay. Gorgorkuna kama fikiro wax uu mar danbe cuni doono, sidaa awgeed iskuma hawlaan kaydsiya raashin ay ka dhergeen.

Qudhaanjadu waxa ay ku  maamusha arrimaheeda arrinta markaa jirta.  Haddba Allah (sw) ayaa inoo sheegay in dhamaan wax dhulka dushiisa ku nool uu risaqooda isagu qaabilay , haka werwerin keliya waa in aad isaga caabudo oo ku xidhnaato.

 

Leave a Reply