Taliyihii Hore ee Sirdoonka Qaranka JSL oo ka Hadlay Xaalada Sool iyo Awdal

0
325

“U jeedadda Puntland loo dhisay waxay ahayd in lagu bur-buriyo Somaliland waana nasiib darro in ay qayb ka tahay…” Maxamed Nuur

Boorama (Dawan): Taliyihii hore ee ciidanka Sirdoonka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Nuur Cismaan ayaa ka hadlay xaaladaha ka taagan goboladda Sool iyo Awdal.

Waxaanu sheegay in arrintii dhawaan ka dhacday magaaladda Boorama, ee xarunta gobolka Awdal ay bar madow ku noqonayso nabadgeliyada uu gobolkaasi ku suntanaa.

Maxamed Nuur, ayaa muddo dheer soo ahaa taliyaha ciidanka sirdoonka qaranka Somaliland gaar ahaana xiligii xukuumadii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Taliye hore Maxamed Nuur Cismaan, oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Boorama, waxa uu sheegay in nabad geliyada ilaalinteedu ay wax walba ka muhiimsan tahay.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Nabadda adiga ayaa ku nool, ee iyadu kuguma noola. Haddii dhaqaale iyo wax kasta aad haysato, oo aanad nabad haysan, nololi ma jirayso. Boorama, waxay ahayd tu lagu majiirto xagga amniga, oo suurto gelisay in ay ilaa 8 jaamacadood ka dhismaan, oo dad meello kala duwan ka yimid ay waxbarasho u soo doontaan”.

“Mudaharaadadii maalintii dhawayd ka dhacay Boorama, waxay khal-khal ku keeneen dhinacii amniga. Marka laga soo bilaabo sanadkii 1991-kii, ilaa imika waa la dareemi karaa horumarka ay gaadhay Boorama. Maanta horumarka ay gaadhay Boorama, way kaga tilmaaman tahay Somaliland inteedda kale, taasi na waxay u baahan tahay in la sii joogteeyo” ayuu yidhi Maxamed Nuur.

Geesta kale Maxamed Nuu Cismaan, waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in horumarkii ay gaadhay Boorama, ay dad dhalinyaro ah bur-buriyaan.

Waxaanu bulshadda Awdal ku baraarujiyay in ay gacan siiyaan haayadaha dawladda ee amaanka ka shaqeeya, isla markaana ay magaaladoodda ilaashadaan.

“Waa nasiib darro in qof wadanka dibadiisa joogaa inta uu lacag soo ururiyo, halkii uu nolol ku dhisi lahaa inuu u qaybiyo dhalinyaro, si ay nabad-geliyo darro u abuuraan.

Waxaan aad ugu mahad naqayaa odayaasha, culimadda, iyo waxgaradka deegaankan Boorama, mawqifka ay ka qaateen mudaharraadadii dhacay.

Waanan ku sii dhiiri gelinayaa in ay gacan Birr ah wax kaga qabtaan cid kastoo mabad-geliyadda wax yeelaysa. Waana in gacan lagu siiyo amniga inta ka shaqaysa, iyo xukuumada ba”.

“Dhalinyarada qurbe joogta ah ee kicinta, iyo abaabulka mudaharraadada dadka ku guubaabiya ayaa fariin u diray. Waxaanu tilmaamay in ficiladaasi ay keenayaan fidno.Amniga sababta aan dhalinyarada uga la hadlayaa waxay tahay, waa mustaqbalkoodii.

Xukuumada na aad baan ugu mahad naqaynaa, xeerka maxkamadaha ee ay soo dedejisay. Waxaa xusid mudan qabyaalad, iyo qaran-nimo in aanay is geli karin. Qaran-nimo ayaa lagu wada noolaan karaa” ayuu yidhi taliye hore Maxamed Nuur Cismaan.

Dhinaca kale Maxamed Nuur Cismaan, ayaa ka hadlay xaaladda colaadeed ee ka taagan gobolka Sool gaar ahaana magaaladda Laascaanood. Waxaanu maamulka Puntland ku eedeeyay inuu ka danbeeyo dagaalka ay Laascaanood ka wadaan kooxaha huwanta ahi.

Isagoo na xusay bilawgiiba u jeedadda loo aasaasay Puntland ay ahayd in qas iyo fawdo lagu dumiyo Somaliland si aanay beesha caalamku u aqoonsan.

“Waxaa nasiib darro ah, in maamulka Puntland oo qayb ka ah dhibaatadda ka taagan Laascaanood, imika na doonaya inuu dadkii yaraa ee magaaladda ku hadhay sii qixiyo.

U jeedadda Puntland loo dhisay waxay ahayd laba arrimood. Anigu ilaa sanadkii 1994-kii waan la socday iyadoo aan weli la dhisin Puntland, oo shirarkii loogu gogol xaadhayay ay socdeen. Waxaana looga dan lahaa qorshe ah in Somaliland lagu dumiyo, oo aan la aqoonsan” ayuu yidhi Maxamed Nuur Cismaan.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply