Gudida Heer Qaran ee Qabanqaabada Xuska 18 May oo Soo Kormeeray Goobaha Diyaargarawga Xuska

0
169

Hargeysa( Dawan) Guddida heer qaran ee qabanqaabada Xuska 18 May ayaa shalay soo kormeeray goobaha uu ka socdo u diyaargarawga Xuska 18 May, gaar ahaan Ardayda Dugsiyadda Hoose dhexe iyo sarre ee Caasimadda Hargeysa oo gaardis ku sameeyay Garoonka kubada cagta ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Cabdixakiim Siciid Bustaale ayaa waxa ay soo kormeereen u diyaargarawga ay ugu jiraan xuska 18 May Ardayda Dugsiyadda Hoose dhexe iyo sarre ee Caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha gudida qabanqaabada xuska 18 May ahna Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxa uu sheegay in u diyaargarawga xuska 18 May ay ka socoto Gobalada degmooyinka dalka. Waxaana uu yidhi “Dhammaaan Gobalada oo dhan way ka socotaa u diyaargarawga xuska 18 May, waxaana uga mahadnaqayaa maamulka Gobalada iyo degmooyinka dalka ee Waxbarashada sida ay isugu diyaarinayaan xuska 18 May.”

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed sidoo kale waxa uu u mahad naqay ardayda dalka, gaar ahaan kuwa ka qayb qaadanaya munaasibadda 18-ka May, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa ardayda halkan joogta iyo macalimiinta ee ardaydan soo diyaarisay, waxa aynu u baahanahay in nabedgalyada aad loo ilaaliyo oo Ardaydu ay xaafadahooda ka warhayso oo cid aan la garanany ka warhayaan ayaa loo baahanyahay”.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo isaguna goobtaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku ammaanay Wasaarada Waxbarashada ardayda Iskuulada qabanqaabada ay ugu jiraan xuska 18 May. Waxaana uu yidhi “Waxa aanu u nimid in aanu idin qiimayno, waxaana aanu qiraynaa in Wasaarada Waxbarashada, Macalimiinta iyo ardayda ay ku jiraan qaban qaabo wanaagsan maalinta18 May, isla markaana ay si wanaagsan u mari doonaan”.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Cabdixakiim Siciid Bustaale oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in ay farxad u tahay ka Wasaarad ahaan in ardayda Iskuulada Degmada Hargeysa soo bandhigaan u diyaargarowga xuska 18 May.

 

 

Leave a Reply