Shirweynaha Maaraynta Masiibooyinka Dabiiciga Ee Heer Degmo Oo Hargaysa Lagu Qabtay

0
190

Waxaa dhawaan magaaladda Hargaysa lagu qabtay shirweynaha Maaraynta Masiibooyinka Dabiiciga ah ee Heer Degmo, oo ay ka soo qaybgalen badiba maayarrada magaalooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa kulankani ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday haayadaha, iyo ururadda maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha ilaalonta deegaanka.

Waxaana shirweynahani soo qaban qaabiyay wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL, iyo ururka maxaliga ah ee DANWADAAGO.

U jeedadda laga leeyahay shirweynahani ayaa ah si loo daadejiyo hawlaha shaqo la xidhiidha ilaalinta nadaafadda magaalooyinka dalka, iyo sidii loo dhirayn lahaa magaalooyinka.

Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa shirweynahaasi iyo hadalkii uu ka jeediyay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale.

Agaasimaha guud ayaa ka sheekeeyey muhiimada kualan iyo sida Wasaaradda deegaanku diyaarka kula tahay inay si wanaagsan ula shaqeeyaan maamulka magaalooyinka waddanka si looga hortago Masiibooyinka dabiiciga ah.

Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa xusay in wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL ay kulamo kala duwan hore ugu ka qabatay masuuliyiinta Dawladaha Hoose ee magaalooyinka dalka, iyo weliba qaybaha kala duwan ee bulshada si loo baro sida ugu fudud loo na qabsan karo  ee laga hortegi karo Masuubooyinka Dabiiciga, oo ay u horeyso Isbedelka Cimilada oo saameyna ku yeeshay noloasha dadweynaha Adduunyada.

Agaasimaha Guud ayaa masuuliyiinta shirkan ka soo qayb galay kula dardaarmay in wixii laga barto dib loogu heliyo magaalooyinka laga kala yimid si dadweynuhu uga faa’iidaystaan.

Waxaanu yidhi, “Aniga oo ku hadlaya Magaca wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, waxaanu dareen san nahay in doorka dawladaha hoose ee dalku uu yahay mid muhiimadiisa leh. Waxa kale oo aan xusayaa xidhiidhka wanaagsan ee wadashaqeyneed ee ka dhexeeya dawladaha Hoose iyo wasaaradda Deegaanka, oo aan kor u qaadis ku sameeyey mudadii aan xafiiska joogay.

Anaga oo dareensan muhiimada iyo doorka Dawladaha Hoose ee dhinacyada addeeg bixinta iyo kobcinta bulshada, waxa aannu Dawladaha Hoose ee Dalka ka taageernay arimahan soo socda:

  1. Waxaanu Tababar Xirfadeed, iyo mid wacyigalineed oo la xidhiidha Ilaalinta Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada siinay qaar ka mid ah Shaqaalaha Dawladaha hoose iyo Gudiyada Xaafadaha ee la shaqeeya Dawladaha Hoose.
  2. Waxa kale oo aannu Dawladaha Hoose ee Dalka ka caawinay in aannu degmooyin ilaa 12 ah ka sameyno Daraasad muujinaysa waxyaabaha Sababa Nuglaanshaha Isbedelka Cimilada.

Waxaa xusid mudan in aanan halkaa kaga hadhine,  waxa aannu diyaarinay qorsheyaasha wax looga qabanayo arimaha keenay nuglaanshaha Isbedelka Cimilada Degmooyinka 12-ka ah ee aannu daraasada ku sameynay. Idamka Alle dhawaan ayaanu anaga iyo Degmooyinkaasi soo bandhigi doonaa.

  1. Anaga oo ka mahadnaqeyna wadashaqeynta Dawladaha Hoose ee Dalka waxa aannu Sanadkii hore dhameystirnay Siyaasada Qaran ee Maareynta Qashinka Dalka, oo sugeysa in dhawaan Golaha Wasiirada loo gudbiyo.

Siyaasadu waxa ay  dhabaha u xaadhi doonta in maalgalin  loo helo Kheyraadka Qashinka aynu soo saarno oo runtii waxyaabo badan aynu ka farsameyn karno, isla markaana Shaqo Abuur u sameyn doona Dhallinyarada Dalkeena.

 

  1. Waxa kale oo dhamaad ku dhow Habraaca Maareynta Khataraha iyo Masiibooyinka ka dhasha Isbedelka Cimilada kaasi oo Dawladaha hoose ee Somaliland ka caawin doona in ay si cilmiyeysan u maareeyaan, una maamulaan ka hortaga Khataraha iyo Maareynta Masiibooyinka Ka dhasha Burburka Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda”.

Agaasimaha guud oo khudbadiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaann doonayaa in aan hoosta ka xariiqo, in ay muhiim tahay in Dhamaan Dawladaha Hoose ee dalku ay yeeshaan Xafiisyo ama Waaxyo u gaar ah Ilaalinta Deegaanka, Maareynta Qashinka iyo Maareynta Masiibooyinka

Taasi waxay soo dhaweynaysaa oo ay fududeynaysaa in Dawladaha Hoose  qeyb weyn ka qaadan karaan Horumarinta arimaha Ilaalinta Deegaanka, Wacyigalinta, Isbedelka Cimilada, Maareynta Qashinka iyo ka hortaga iyo Maareynta Masiibooyinka iyo kor u qaadida wadashaqeynta Hay’adaha kaladuwan ee dalka. Waxa aan bogaadinayaa Dawladaha Hoose ee hore u sameeyey xafiisyadaasi” ayuu yidhi agaasimaha guud.

Gebagabadii Maxamed C/laahi Ducaale, waxaa uu sharaxay qorshaha wasaaradda Deegaanka ee sii joogtaynta la shaqaynta dawladaha hoose ee dalka, iyo dhiraynta, iyo cagaarinta magaalooyinka wadanka.

Waxaanu yidhi, “Qorshaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka waxa kamid ah: In ay si dhaw ula shaqeyso Dawladaha Hoose ee dalka. Dhinacyada aanu Dawladaha Hoose ee dalka ka taageeri doono waxa ugu muhiimsan

  1. Dhireynta iyo Cagaarinta Magaalooyinkeena Bilowgii bishii April ee ina dhaaftay, ilaa 15 April oo ku beegnayd Maalinta Dhirta Somaliland waxa aannu Dawladaha hoose ee Somaliland gudoonsiinay dhir tiro badan anaga oo mudnaanta siinay Caasimada Hargeysa oo aanu siinay ilaa 35 kun oo Geed
  2. Waxa aanu doonaynaa in aanu idin kala shaqeyno Maareynta Geedka Garanwaaga ah
  3. U adkeysiga iyo La jaanqaadka Isbedelka Cimilada ee aynu wajahayno sanadihii ugu dambeeyey.
  4. Maareynta Qashinka iyo Si guud wixii la xidhiidha Arimaha Deegaanka Waxaan idiin furan Xafiiskayga, oo aad ka heli doontaan Talo, tusaale iyo garabsiin”.

Leave a Reply