Xukuumadda oo Wadda Qaab cusub oo loo diwaangelinayo Hantida Dawladda

0
181

Hargeysa (Dawan) Guddida diwaangelinta hantida maguurtada Somaliland ayaa ka shiray sidii loo diwaangelilaha hantida hantida maguurtada ah.

Diwaangelinta hantida maguurtada oo ay siwada jira uga shaqeeyaan wasaaradda horumarinta Maaliyadda iyo wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Somaliland, ayaa kulan ay ku yeesheen xarunta wasaaraddaasi kaas oo lagaga arrinsanayay qaabka ugu habboon ee loo diwaangelin karo hantida maguurtada ah ee dowladda Somaliland.

Kulankan lagaga arrinsanayay diwaangelinta hantida maguurtada ah ee dowladda Somaliland, waxa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Somaliland Mustafe Maxamuud Cali Bile, wasiir ku xigeenka maaliyada iyo agaasima waaxeedyo ka kala socday labadaas wasaaraddood.

Kulankan ayaa intii uu socday waxa warbixin lagaga dhageystay madaxa hantida maguurtada ah ee wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta, waxaanu sheegay in hadda diwaangelinta hantida maguurtida ahi meel fiican marayso.

Geesta kale agaasimaha waaxda ICT-ga ee wasaaradda howlaha guud ayaa soo bandhigey qaabka cusub ee loo diwaangelinayo shirkaddaha dhismaha, isla markaana nidaamka cusub ee wasaaradda horumarinta maaliyadda loogu xidhayo.

Gaba’gabadii wasiiradda wasaaraddaha maaliyada iyo howlaha guud ayaa masuuliyiinta gacanta ku haya diwaangelinta hantida maguurtada ah ee dowladda faray in hawsha diwaangelinta si deg deg ah loo soo dhammeystiro.

 

Leave a Reply