Dab Ka Kacay Iskuulka Oo Ay Ku Dhinteen 20 Carruur Ah

0
125

Dab habeenimo kacay ayaa si deg-dwg ah u gubay iskuul ardaydu seexdaan oo ku yaalay Guyana subaxnimadii isniintii todobaadkan, waxaana ku dhinteen ugu yaraan 20 arday halka ay ku dhaawacmeen tiro kale. Dugsigan oo ahaa boodhin ayaa ku yaalay tuulooyin fog-fog, oo ah tuulooyinka ay degaan dadka asaliga ah, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

“Dhacdadani waa mid aad looga naxo, waana mid xannuun badan” ayuu yidhi Madaxweyne Cirfaan Cali waxaana uu intaa ku daray in dowladiisa ay abaabilayso wax kasta oo suura gal ah oo wax loogu qabanayo carruurtaa.

Dugsigan ayaa inta badan ahaa mid loogu adeego carruurta asaliga ah ee da’doodu u dhaxayso 12 ilaa 18, Lataliyaha Amniga Qaranka Gerald Gouveia ayaa yidhi. Waxa uu sheegay in xilli hore ay tahay in la saadaaliyo waxa laga yaabo in dabkan uu ka dhashay,waxana uu intaa ku daray in dabeylo xoogan oo goobta ka dhacay ay caqabad ku noqdeen dadkii wax qabanayey dhanka hawada.

Dhismaha dugsigan oo ku yaal koonfurta galbeed magaalada Mahdia ayaa  ah goob dahabka iyo dheemanka laga qodo, qiyaastiina 200 mayl (320 kilomitir) ayuu koonfur kaga beegan caasimada Georgetown, sida ay dawladdu ku sheegtay bayaan.

Dabka ayaa dilay ugu yaraan 20 arday, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo lix ka mid ah loo qaaday caasimadda si loogu daweeyo, sida ay dowladdu sheegtay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay la xidhiidhayaan waalidiinta isla markaana ay abaabulayeen dhaqaatiir cilmi nafsiga  ah si ay gacan uga geystaan ​​wax ka qabashada ehelada uu dabkaasi saameeyay.

“Ma qiyaasi karo xannuunka hadda haysta waalidka,” ayuu yidhi. “Tani waa masiibo weyn.” Wargeyska maxaliga ah ee Stabroek News ayaa sheegay in dabku uu ka kacay guri ay gabdhuhu seexdaan.

Xildhibaanka mucaaradka Natasha Singh-Lewis ayaa ku baaqday baadhitaan qoto dheer. “Waxaan u baahanahay inaan fahamno sida dhacdadan ugu naxdinta iyo dhimashada badan ay u dhacday oo aan qaadno dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan uga hortagno musiibadan oo kale inay mar kale dhacdo mustaqbalka,” ayay tidhi. Guyana waa waddan yar oo ku yaal Koonfurta Amerika.

Leave a Reply