Maskaxda Iyo Xanuunada Nafsaaniga Ah!

0
271

Schizophrenia waa xanuun cilad maskaxda ku dhacda oo halis ah, waxaana u sababa in aan qofku si aan caadi ahayn ugu turjumaan xaqiiqda. Schizophrenia waxay sababta ariimo dhalanteed ah, iyo fikir aan sax ahayn oo khalkhal ah kuwaasi oo burburiya hawl maalmeedka qofa.

Waxa kale oo qofka ku keenaa in maskaxdiisu amaro khaldan bixiso.  Dadka xanuunkani ku dhaco runta ma waajahaan way ka werweraagaan mar kastana waxay sheegaan in laga gar daran yahay. Waxay maqlayaan ama arkayaan waxaan jirin oo u sanqadhaya.

Waxay u hadlaan si yaab leh, ama hab werwer ka muuqdo, waxaana ay aaminsan yihiin in dadka kale doonayaan inay dhibaateeyaan ama xuquuqdiisa la duudsiyo.

Way ku adag tahay inuu wada hadal ka galo cabashadiisa, waxaana uu aaminsan yahay in mar kasta la khiyaamaynayo.

Dadka xanuunkan qabaa waxay ku jiraan cabsi joogto ah iyagoo aaminsan in aanay weligooda cadaalad ka helayn waxay ka cabanayaan. Isuma arko inuu buko waayo wuu shaqaysanayaa, doorasho ayuu gelaya wax kastana wuu qabsanayaa laakiin runtii waa uu xanuunsanayaa mar hadii kalsoonidii ka luntay.

Waxa kale oo aanu kala saari akrin wax xun iyo waxa wanaagsan, arimaha caadiga ah iyo wixii aan ahayn si fiicana ugama fikiro waayaha mustaqbalkiisa. Xanuunkan waxa keena si buuxda looma yaqaano waxase ay u muuqata inuu keeno is dhex galka adag ee u dhexeeya fikirka iyo xaaladaha deegaanka.

 

 

Leave a Reply