“Somaliland Waxa ku dhisantahay Axdiga u Yaalla Wadamada Afrika” Xildhibaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir

0
374

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in ay dhibaato weyn dalka ku keenaan deegaamaysiga tuulooyinka laga sameeyo ee dalka Somaliland.

Xildhibaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in deegaamaynta dhulka cusub ay iska horkeenaan beelaha walaalaha ah ee wada daga waddanka.

Mustafe Maxamed Xaaji Daahir oo arrimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi “Deegaamaynta cusub ee tuulooyinka cusub ee la samaynayo oo iska horkeenaya beelaha wada daga, tuulooyinka la samaynayaa waxay dhibaato ku keentaa Deegaanka. waana in la joojiyo tuulooyinka cusub ee la samaynayo, Mashaariicaha Hay’aduhu bixiyaan ayaana dhiirigaliya in tuulooyin badan la sameeyo”.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in la ixtiraamo xuduudihii Maxmiyadihii Waxaana uu yidhi “Somaliland xornimadeedii ay qaadatay 1960 kii ayay dib ula soo noqotay 1991 kii, 32 sanno ayaa hada laga joogaa, waxaanay Somaliland ku dhisantahay axdiga u yaala wadamada Afrika, waxaana jira qaraar u yaala Afrika in la ixtiraamo xuduudihii ay ka tageen Maxmiyadihii, Laascaanood in ay Somaliland ka tirsantahay cid waliba waa qirsantahay Soomaaliya iyo Somaliland labo dal ayay kala ahaayeen. Somaliland xornimada waxa ay ka qaadatay Ingiriiska Soomaaliya-na waxa ay xornimada ka qaadatay Talyaaniga. mana shaqaynayso xuduuda cusub oo qabiil ku dhisan dadkayaga dagan Xarshin iyo Gaashaamo ayaanu odhan lahan Somaliland ku soo biira dadka reer Laascaanood Somaliland ayay ka mid yihiin oo ilaa 1960kii ayay ka mid ahaayeen waaxaana aan leenahay ergayga Soomaaliya u qaabilsan Wadahadalada Somaliland hadalkaa aad tidhi ka noqo”.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply