Baadi-sooca Kaadhka shaqaalaha Dowladda oo laga Daahfuray wasaaradda warfaafinta Somaliland

0
210

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dowlada Somaliland ayaa shalay wasaradda warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigalinta ka daah furtey Baadi sooca Kaadhka Aqoonsiga.

Munaasibadii lagu daahfurayay   Baadi-sooca Kaadhka Aqoonsiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha warfaafinta iyo isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada iyo agaasiayaasha waaxaha kala duwan wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wecyigalinta Somaliland.

Agaasimaha hay’adda shaqalaha dowladda Somaliland Khaalid Mire Nuux ayaa ka warbixiyey qorshayaal hor leh oo ay ku dardargalinayaan howsha Baadi sooca Kaadhka Aqoonsiga shaqaalaha, waxaanu xusay in kaadhkii hore wakhtigiisu dhammaaday, isla markaana muddo 5 sano ah lagu hawlgalayay, waxaanu intaas ku daray in kaadhkan cusub tayadiisa iyo amaankiisu ka wacan yahay kii hore.

Sidoo kale waxa uu intaas raaciyay in xidhiidh ka dhaxeeyo kaadhadhka aqoonsiga muwaadinka Somaliland ee wasaaradda arrimaha gudaha ku xareysan iyo kan hay’adda shaqalaha oo macluumaadkoodu xidhiidh wadagaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta JSL, Cabdikariim Aadan Siciid, ayaa  ka waramey ahmiyadda kaadhka shaqalaha dowladu u leeyaha, waxaanu agaasimuhu tilmaamey in kaadhkaasi yahay kaadhkii qofka shaqaalaha ah lagu garanayo, waxaanu   ka dalbadey masuuliyiinta hay’adda shaqalaha dowladda Somaliland in dardargalin iyo dadajin ku sameeyaan Marnaamijka howlgabka iyo barmaamijka caymiska qaranka oo labaduba lafdhar u ah qarankani.

Agaasimaha guud ee wasaaradda   isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda Yuusuf Warsame Xasan ayaa masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha ku boggaadiyay horumarinta, dalacsiinta iyo anshaxmarinta shaqalaha kala gedisan dowladda ,waxanu xusey in arrintani tahay baadi sooc loo baahn

 

Leave a Reply