Wasaaradda Ciyaaraha Oo Qabatay Tartanka isku Aad Kubbadda Cagta Jaamacadaha Hargaysa

0
247

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa shalay qabatay isku aadka tartanka Kubbadda cagta ee jaamacadaha magaalada Hargaysa.

Kulan loogu qori tuurayay tartankan kubbadda cagta ee loo qabanayo jaamacadaha magaaladda Hargaysa, oo lagu qabtay Hoollka wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL ee magaaladda Hargaysa.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay masuuliyiinta wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, xoghayaha gobolka Maroodi-jeex, maamulka jaamacadaha tartanka qori tuurka loo qabanayay, Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland (Somaliland Football Federation SLFF), oo tartankani fulinaya.

Tartankani oo uu fulin doono qabashadiisa xidhiidhka Kubbadda cagta Somaliland waxaa loo qaybiyay kooxaha jaamacadahaasi soo baxay saddex group oo kala ah B T iyo J.

ISKU AADKA GROUPS-KA TARTANKA JAAMACADAHA M.HARGEYSA.

1- RIFT VALLEY

2- ADMAS UNIVERSITY

3-  BEDER UNIVERSITY

1 – ALPHA UNIVERSITY

2-  NEW.GENERATION  UNIVERSITY

3- EDNA UNIVERSITY

J.

1- GOLLIS UNIVERSITY

2- HARGEYSA UNIVERSITY

3- ADDIS- ABABA UNIVERSITY.

 

Leave a Reply