Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL oo Fariin u Dirtay Bulshadda ku Dhaqan Maroodi-Jeex Togdheer iyo Sool

0
201

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda Arrimaha gudaha JSL ayaa fariin ku aadan qaadashadda kaadhka codbixinta u dirtay bulshooyinka ku nool goboladda Sool, Togdheer, iyo Maroodijeex.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, oo xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay ayaa bulshadda goboladaasi ugu baaqay in ay kaadhadhka codbixinta qaataan.

“Waxaan ugu Blbaaqayaa bulshadda ku nool gobolada Maroodi Jeex, Togdheer iyo gobolka Sool, in ay ka faa’iidaystaan qaadashada kaadhka codbixinta oo maalinta beri ah (maanta), bilaabaysa” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil.

Agaasimaha Guud ee W. Arrimaha gudaha JSL wuxuu bulshadda saddexdaa gobol ugu baaqay in ay ilaaliyaan nabad geliyadda oo ah laf-dhabarta.

Waxaanu yidhi “Muwaadin fariinta ay wasaaradda Arrimaha guduhu kuu soo gudbinaysaa waxay tahay dadka ku nool saddexdaa gobol in maalinta beriya (maanta), goobihii aad iska diiwaan gelisay ay kuugu diyaar yihiin kaadhkii codbixinta.

Waxaanan ku baraarujinaynaa dadweynaha in ay si qurux badan, oo habsami leh kaadhadhkoodda uga doontaam goobihii aay hore isaga diiwaan geliyeen. Iyagoo ilaalinaya mabad geliyadda oo ah laf-dhabarta aynu ilaashano”.

Geesta kale agaasimaha guud ayaa u mahad celiyay dadweynaha ku nool goboladda Sanaag, Awdal, iyo Saaxil, oo ay hore uga soo qabsoontay qaadashadda kaadhka codbixintu.

 

 

Leave a Reply