Somaliland oo Xukun Milatari ku Riday Xubin ka tirsan Al-shabab

0
268

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa nin ka tirsan kooxda Al shabaab ku xukuntay 9 sanno oo xabsi ciidan ah.

Fadhigii Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka Qaranka JSL oo xukunka ninkan fadhi ka yeelatay ayaa sheegtay in ninkan oo ka tirsan xarakada Al-shabab, una qaabilsanaa in uu xubno Al-shabab ah ka qoro gudaha Somaliland la xukumay.

Waxa sidan lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay Facebookga wasaaradda gaashaandhiga Somaliland.

Waxaaanu u dhigna sidan “Maanta oo ay taariikhdu tahay 11/06/2023-ka maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamadda Jsl goboladda galbeed Waxay xukun 9 (sagaal sano ah) ah, Xabsi milateri ku riday danbiile Al-shabaab Faysal Cali Ibraahin, ina Aamina Aaden 42 jir ah.

Ninkan oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab una qaabilsanaa in xubno Al-shabaab ah ka diyaariyo gudaha Somaliland.

Xukunkan ayay shalay  maxkamadu kaga dhawaaqday fadhiga maxkamada ee xarunteeda guud Hargaysa”

 

Leave a Reply